WAA TUMA HOOYADII MU'MINIINTA CAA'ISHA BINTU_ABIIBAKAR RC?

 Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

CAA'ISHA BINTU ABiiBAKAR 




HORDHAC:

Taariikh nolaleedkii hooyadeen caa'isha bintu abii bakar rc waxaynu meeshaan ku faafaahin doonaa nolasheedii ku dayashada mudnayd ee hooyadii mu'Miniinta caa'isha RC.  CAA'ISHA bintu abiibakar asidiiq waxay ahayd mid kamida haween kii ugu sharafta badnaa taariikhda islaamka waana mid kamida xaasaskii xabiibkeena muxamad SCw.  Waxay kasoo jeeday qoys sharaf badan  oo quraysh ka tirsan. Aabaheed abuubakar sadiiq waxa uu ahaa saxaabigii ugu dhawaa rasuulka SCW iyo qofkii ugu horeeyay ee muslim noqda xaga raga. Hooyadeed umu rumaan waxay ahayd haweeneey lagu yaqaanay samirka, garashada iyo akhlaaqda wanaagsan. Caa'isha rc waxay ku dhalatay magaalada makah al_mukaramah sanadkii 613 dii milaadiga. 

Caruurnimadeedee iyo barbaaridii caa'isha:

Caa'isha waxay ku soo barbaartay guri diinta islaamka taageersan taniyo markuu islaamka soo bilowday.  Caruurnimadeedii waxay ahayd mid ka dhax muuqata qoyska diinta uheelan waxay Caan ku ahayd caqli iyo garasho dheeraad ah iyo mid markastaa ku firfircoon howlaha ay qabanayso.

Guurkii caa'isha ee nabiga SCW:

Guurkeedii nabiga SCW waxa uu ahaa mid uu eebe amray. Waxay ku biirtay gurigii nabiga ayadoo aad uda'yar waxayna ahayd ka mid noqoshadeeda mid muhiim u ah doorkeedii hogaamineed iyo faafintii cilmiga diinta islaamka. Caa'isha rc waxay ahayd xaaska kaliya oo ayadoo gabadha uu guursaday nabiga SCW waxayna ahayd mid aad ugu dhaw nabiga SCW oo soo bandhigtay sifooyinka wanaagsan ee haweenka muslimaadka ah. Guriga nabiga SCW waxay kusoo kordhisay farxad,firfircooni iyo jacayl. Waxay ahayd mid kalkacal leh ucaawiso nabiga SCW gaarahaan waqtiyada adkaa ee soo maray nabiga SCW. 

Nolasha cilmiga iyo Aqoonta :

Caa'isha RC waxay ahayd caalimad wayn oo warisay in kabadan 2,200 oo xadiis. Waxay ahayd mid qura'anka aad ugu xeel dheer, waxa ayna aqoon dheer ulahayd fiqiga iyo axkaamta diinta. Asxaabta iyo taabiciyiintaba waxay uyimaan jireen caa'isha si ay uga faa'iidaystaan cilmiga balaadhan ee ay layd. Waxaa Caan ahaa inay si joogta ah usharxibjirtay axkaamta haweenka, ayadoo sigaar ah ubaraysay dumarka muslimiinta ah taas oo ay ku guulaysatay inay dhisto bulsho aqoon leh oo diinta si fiican ufahansan.

Akhlaaqdii iyo shaqsiyadii caa'isha RC:

Caa'isha waxay ahayd mid ku si wayn ugu sifowday akhlaaq wanaagsan, deeqsinimo iyo  Samir. Waxay ay ahayd qof bulshada u adeegto, caawisana dadka tabarta daran iyo kuwa masaakiinta ee nugul. Waxay had iyo jeer utaagnayd inay dadka usharaxdo  axkaamta diinta islaamka iyadoo adeegsanayso habab xikmadaysan.

Dhaxalkii caa'isha RC:

Dhaxalkii caa'isha rc ay katagtay dhaxal aad uwayn oo Wali nool, waana mid muhiim ah oo ku salaysan cilmiga ay faafisay iyo tusaalaha wanaagsan oo ay unoqotay dadka muslimiinta ah. Waxaa lagu xasuustaa inay ahayd qof ku dayasho badan oo caqli iyo xikmad usaaxiiba . Caa'isha rc waxa ay sidookle marwalba kaalin muhiima ka qaadan jirtay bulshada dhaxdeeda caawina jirtay masaakiinta cilmiga diintana dumarka muslimiinta bari jirtay.

Dhacdadii been abuurka: [IFKI]

Waa mid kamida dhacdooyinkii uurkutaalada ahaa caa'isha rc soo maray waxaana lagu magac aabi jiray [dhacdadii ifki] waa been abuurkii ay munaafiqiinta maleegeen waxayna dhacday sanadkii lixaad ee hijriyada markii uu nabiga ubaxay duulaankii Banii mustaliq asagoo sidii caadiga ahaydna xaasaskiisa usameeyay qorituur, caa'isha rc ayaana kusoo baxday qorituurka iyadoona uraacday safarka. 

Markii laga soo laabtay duulaankii ayaa meel ladagay, markaas ayay caa'isha goor habeen badhkiiya aaday banaanka si ay usoo xaajo gudato, waxayna caado u ahaan jirtay dumarkii watigaas ee muslimiinta ahaa ee aadka uxishoodka badnaa in hadii ay banaanka aadayaan ay fogaadaan oo ay shanqadhta ka dhexbaxaan. Markii ay soo laabtay caa'isha waxaa ka lumay kuul ay gabadh ka soo caariyaysatay, markaas ayay raadkeegii dib ugu laabatay ayadoo baadi goobaysay hasa yeeshee intii ay maqnayd caa'isha ayaa rasuulka SCW amray in la guuro lamana ogayn inay maqantahay caa'isha, maxaa yeelay markii laguurayo waxay dhax gali jirtay bahal la yiraahdo HOWDAJ oo loogu talagay. Howdajkaas ayaa markaas dhowr nin geesaha qaban jiray oo Ratiga  saari jiray, sidaa darteed nimankii howdajka qaadayay waxay umalaynayeen in caa'isha ku dhex jirto mana dareemin fudaydkiina waayo caa'isha waxa ay ahayd gabadh yar oo aan hilib badan lahayn, sidookle waqti dheer ma qaadan guuritaanka ciidanka sababtoo ah mawadan wax alaab oo badan ninkastaa hubkiisii ayuu sii qaatay. 

Caa'isha markii ay soo laabtay oo ay soo heshay kuushii ayaa waxay timid meeshii oo lagu kala guuray wax shanqarana aysan jirin, markaas ayay iska fadhiisatay meeshii ayadoo is leh" hadii lagu tabo waa lagu soo dooni" hasa yeeshee meeshii ayay ku gama'day. Waagii markuu baryay ayaa waxaa arkay qof meesha jiifa saxaabi la oran jiray safwaan binu mucdhil oo ahaa nin hurda wayn oo marwalbaa ciidanka ka dib dhicijiray. Safwaan markuu meesha yimid ayuu gartay caa'isha markaas ayuu ku yiri " inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, waa xaaskii rasuulka alle" caa'isha ayaana hadalkiisa ku toostay. Safwaan intuu neefkiisii geela ahaa ufariisiiyay ayuu ka durkay, markii ay fuushayna wuu ku waday. Goor harsiimadii ah ayuu ciidankii kadabatagay.

Munaafiqii Cabdullahi ibnu ubay ayuu waxa uu sameeyay been abuurasho oo uu ka been abuuranayo caa'isha iyo safwaan, dacaayad ayuuna suuqa galiyay, aad ayayna udabaasheen dacaayadaas isaga iyo munaafiqiintii kale, waxaana sidookle ku simbiririxday qaar kamida saxaabada nabiga sida Misdhax, xasaan binu saabit iyo kuwa kale.

Caa'isha rc markii ay madiina kusoo laabatay ayay xanuunsatay mana aysan ogayn dacaayada been abuurka ah ee suuqa ku jirta. Maalin danbe ayay banaanka aaadeen iyada iyo misdhax hooyadii. Goor ay meel dhexe sii marayaan ayaa duqdii taraanturootay, markaas ayay tidhi " Misdhaxoow hoog". Caa'isha ayaa markaas ka celisay oo tidhi " Ma nin badar ka qayb galay ayaad saas leedahay? Markaas ayay duqdii tidhi " miyaadan ogayn waxa uu suuqa kuu galiyay?  Caa'isha ayaa tidhi " Maya".  duqdii ayaa markaa usheegtay qisadii been abuurka. Caa'isha oo ahayd gabdh cafiifad ah oo dhawrsan, waxaasna bari ka ahayd, ayaa markii ay maqashay warkaa foosha  xun ee suuqa galay xanuunkii hayay xanuun ugu darsoomay, waxayna gashay oohin isdaba jooga. Waxaa Kalo oo intaas uga sii daray caa'isha rc rasuulka SCW oo aan naxariistii uu uhayn jiray uhayn, siiba marka ay xanuunsato waxa uuna ku gaabsaday " sidee tahay?". Caa'isha waxa ay idam ka qaadatay rasuulka SCW inay guriga waalidkeed aado, rasuulka SCW waa uu u idmay.

Rasuulka Scw markii madiina lagu soo laabtay wax qura'anka ama waxyi ah oo arintaas ka hadlayo  laguma soo dajin, mana ogayn wax ka jira arintaas waayo qaybka [ waxa maqan] kama war hayn, wax uu rabi uwaxyooda mooyee. Rasuulka Scw waxa uu arinkaas kala tashtay Cali ibnu_abiidhaalib iyo Usaame binu zayd oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa.  Cali waxa uu rasuulka SCW ku yiri " Dumarka aan ayada ahayn way badan yihiin" Usaame waxa uu yiri " Rasuul allow xaaskaaga waxaan wanaag ahayn kuma ogi ee hayso " sidookle rasuulka SCW waxa uu arinkaas waydiiyay gabadh guriga jaariyad ka ahayd waxayna tidhi " wax xumaan ama ceeba kuma ogi inay tahay ma ahee gabdh yar oo cajiinka kasiixato " waxaa kale oo uu wax ka waydiiyay arintaas rasuulka SCW xaaskiisa zaynab bintu jaxshe  oo ay walaasheed dacaayada qayb ka ahayd waxayna tidhi " wax aan wanaag ahyn kuma ogi caa'isha rc ".  

Kadib rasuulka SCW ayaa caa'isha ugu tagay gurigooda ayada oo ay lajoogaan aabaheed iyo hooyadeed waxa uuna ku yiri " [ caa'isha arinkaas ayaa iga soo kaa gaaray, hadii aad bari  ka tahay alle waa uu ku bari yeeli doonaa, hadii aad danbigaas ku dhacdayna alle danbi dhaaf waydiiso oo toobad keen, maxaa yeelay hadii uu adoonka danbigiisa qirto alle wuu ka toobad aqbalaa] . Caa'isha waalidkeed ayay marba mid la hadashay ayadoo ku leh "ujawaaba rasuulka SCW" waxayna ku yiraadeen maxaan ugu jawaabnaa rasuulka SCW? Kadib caa'isha ayaa tidhi " illaah baan ku dhaartee waan ogahay inaad warka maqasheen ilaa naftiina ku qanacday oo aad rumayseen. Hadii aan idin dhaho bari ayaan ka ahay ima rumaynaysaan, hadii aan qirtana waad irumaynaysaan. Hadaba alle ayaan ku dhaartee idin dhihi maayo wax kale ilaa sidii  yuusuf aabihii yidhi mooyaane. Waxayna aqrisay aayada 18aad ee suurat yuusuf oo micneheedu yahay [ Sabir wanaagsan, allaana ka kaalmaystay waxaad sifaynaysaan ]. Kadib rasuulka SCW ayaa waxuu ka istaagay masaajidka minbarkiisa asagoo ka dacwoonaya Cabdullahi ibnu ubay, markaas ayaa usayd bin xudayr oo ahaa odaygii ree aways yiri "Rasuul allow hadii uu anaga naga mid yahay waan kaa kaafinaynaa oo waan dilaynaa, hadii uu yahay walaalahay khazrajna Amar inay dilaan" Sacad binu cubaada  oo ahaa odaygii ree khazraj oo arintaa ka xumaaday ayaa yiri " waxaad ogtahay inuu anaga naga mid yahay, kadib rasuulka SCW ayaa kala dajiyay. Rasuulka Scw waxa uu tagay gurigii abuubakar waxaana markaa kusoo dagay waxyi asagoo lafadhiyo, markaas ayuu yiri " [ caa'isha alle wuu ku bari yeelay]" markaas ayaa caa'isha hooyadeed ku tidhi " u istaag rasuulka SCW "  hasa yeeshee caa'isha way diiday waxayna tidhi [ alle ayaan ku dhaartee u istaagi maayo mana mahadinayo alle mooyee cidkale] .

Allah SWT waxuu ku bari yeelay caa'isha oo sababteeda kusoo dajiyay toban aayadood oo suurat nuur ku jirto oo uu uga hadlayo been abuurashadaan iyo cidii bilowday, aduunkana wuxuu ku ciqaabay inaan marqaatigooda laga aqbalin, sideetan jeedalna lagu dhufto ayna yihiin faasiqiin daacada alle ka baxay.


وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته. 

Halkaan kasii aqriso maqaalo kale oo xiiso leh 👇👇













































Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post