QURAANKA MALA NOOSHAHAY?

Bismillah ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee 


Kitaab quraan



Hordhaca Maqaalkeena: 

Qura'anka kariimka waa hadalka alle SWT kaasoo lagu soo dajiyay nabigi muxamed scw ayadoo loo soo dhiibay jibriil CS. Qura'anka waxaa  laga    helaa hanuun,iftiin iyo xasilooni si umada   ugu noqdo nolal wanaagsan oo dagan. Qura'anka waxa uu ka koobanyahay 114 suuradood kuwaasoo mid kasta uu leeyhay magacyo ugooni ah. Suuradaha waa qaybaha waawayn ee qura'anka, halka       aayaduhuna yihiin jumlado ama cutubyo ku juro    suuradaha. Suurada ugu dheer qura'anka waa    suurat baqara halka tan ugu gaaban aytahay suurat kowthar.Aayadaha qura'anka  waxaa loo soo      dajiyay inuu dadka hanuuniyo isla  markaana      tilmaamaan  jidka toosan oo alle swt uu cadeeyay. Luqada uu ku qoranyahay qura'anka waa afka       carabiga waxaana lagu yaqaanaa inuu yahay mid leh fasiraad cajiib ah oo kaduwan luuqadaha kale. Carabiga qura'anka waxa uu leeyahay micno           qotadheer oo tilmaamayo waxyaabo badan.            


1.Fadliga aqrinta quraanka:

 Akhrinta qura'anka kariimka waxaa laga     helaa fadli iyo ajir wayn. Nabiga SCW waxa uu inoo sheegay in qofkii aqriya hal xaraf oo qura'anka kamida uu helayo toban ajir. Sidookle waxaa jira Axaadiis kale tilmaamaya in aqrinta quraanka aytahay daawo caafimaad oo ruuxi ah iyo mid jismi ah. Qofka si joogta ah u aqriyo qura'anka waxuu
Helayaa xasilooni iyo farxad gudaha ah, asgoo
Ka dhaxlayo kalkacalka alle iyo malaa'igtiisa. 

2. Qura'anka kariimka waa hanuun:                        

Qura'anka kariimka waxa hanuun ka socdo alle swt 
Oo loogu talagalay in lagu hago umada islaamka ah.
Waa kitaab tilmaamayo sida ugu wanaagsan ee loo noolaado, wuxuuna ku hagayaa dadka sidii ay ugaari lahaayeen guul aduunyo iyo mid aaqiroba.
 Akhrinta iyo fahamka qura'anka waxay qofka ka caawiyaan in uu noqdo mid leh aqlaaq suuban oo bulshada dhaxdeeda ixtiraam iyo sharaf ku leh. Qura'anka waxa uu tilmaamayaa wadooyin toosan oo aan laga Leexan karin hadii la raaco, waxa uuna ka ilaaliyaa fitnada iyo dhibka nolasha kaga yimada.


3.Akhrinta qura'anka: badbaadada maalinta qiyaame

Qura'anka kariimka waxa uu noqonayaa difaac iyo badbaado maalinta qiyaamaha. Waxaa lasheegay In maalinta qiyaamaha qura'anka ushafeeca qaadi doona qofkii si joogta ah u aqriyo oo ugu camal fala.
Qura'anka kariimka waxa uu noqon doonaa iftiin lagu galo Janada alle swt iyo kaalmaynta safarka maalinta qiyaamaha.sidaas darteed Akhrinta qura'anka iyo fahamka waxay siinayaan qofka rajada iyo yadadiilada ah inuu heli doono janada eebe Swt iyo raali ahaanshihiisa.


4.sida ay udayaceen jiilka maanta Akhrinta qura'anka:

Jiilka maant gaarahaan dhalinyarada waxa ay umuuqdaan kuwa ku mashquulsan teknolojiyada ciyaaraha iyo qaybaha kale ee nolasha ayagoo dayacay aqrinta quraanka kariimka. Waxaad arkaysaa in badan oo kamid ah dhalinyaradeena oo aan si joogta ah u akhrin qura'anka, qaar kamid ahna aan xitaa fahmin sida looga baahanyahay in loo aqriyo qura'anka iyo sida loo dhuuxo micnihiisa.
Teknolojiyada oo leh faa'iido  qasaaro labadaba hadana waxa ay keentay in dadka badankood ku mashqaalaan waxyaabo aan micno lahayn, oo aan nolashooda waxba kusoo kordhin. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in dib loo xusuusiyo jiilka maanta qiimaha iyo mugiimada ay leedahay in qura'anka loo noqdo iyo in lagu dadaalo Akhrintiisa marwalba.

5.muhiimada ay leedahay Akhrinta qura'anka kariimka:

Akhrinta qura'anka kariimka waxay muhiim utahay umada muslimiinta ah dhamaatood  si ay uga badbaadaan  fitnooyinka faraha badan ee ka jira  caalamka. Qura'anka waxa uu ka hor istaagaa qofka inuu ujanjeero waxyaabaha keeni kara halaag, waxa uuna ku dhiirigalinayaa inay ku tiirsanaadaan alle oo ku noolaadaan nolal wanaagsan. Hadii aad doonaysid jacaylka allah SWT oyo malaa'igtiisa badi aqrinta hadalkiisa iyo lasheekaysigiisa.


6. sidee uga dhigi kartaa Akhrinta qura'anka mid joogta:

Akhrinta qura'anka kariimka waxaa laga dhigi karaa mid joogta ah hadii uu qofka sidhab ah uqaato masuuliyada iyo waajibka ku saaran.  Qofka waa inuu qursheeyaa waqti go'an oo uu ku aqriyo qura'anka, waxa uuna ubaahanyahay inuu ubarbardhigo nolashiisa iyo qodabada uu qura'anka tilmaamayo. Akhrinta qura'anka waa in loo qaataa sidii waajib maalinla ah, oo aan laga daalin ama aan laga mashquulin. Waxaa muhiim ah in qofka la shaqeeyo saaxiibada iyo bulshada si loo xoojiyo  caadooyinka wanaagsan ee Akhrinta qura'anka.

7. Talooyin ku saabsan Akhrinta qura'anka kariimka:

1.  Qorshee waqti go'an oo aad akhriso qura'anka sida : subaxii hore ama habeenkii.
2. Isku day inaa fahanto waxa aad akhrinayso, adigoo adeegsanayo turjumooyinka iyo tafsiirka quraanka. 
3. Bar caruurtaada inta ay yaryihiin sida loo joogteeyo Akhrinta qura'anka ayna ubartaan qiimaha uu leyahay qura'anka inuu unoqdo caado maalin la ah mustaqbalkooda.
4. Ku dhiirigali saaxiibadaa iyo qoyskaaga Akhrinta qura'anka iyo inay dhagaystaan muxaadarooyin ama baraarujin ka hadlayo qura'anka kariimka qowlkii alle.



Gabagabo:


Akhrinta qura'anka kariimka ah waa mid leh ajir iyo faa'iidooyin waawayn oo aan tiro lahayn isla markaana muhiim u ah nolasha dadka muslimiinta ah. Jiilka maanta waxaa lagama maarmaan ah in ay ku noqdaan qura'anka,oo ay ka faaiidaystaan fadliga iyo barakada ku jirto qura'anka.  Hadii uu qof walbaa kadhigo Akhrinta qura'anka caado joogta ah, waxa uu heli doonaa nolal wanaagsan caafimaad iyo farxad aan lasoo koobi Karin, halka ay sidookle kaheli doonaan shafeeco iyo badbaado maalinta qiyaamaha oo adag. Akhrinta qura'ankakariimka waa furaha nolasha Wanaagsan ee aduun iyo aaqiraba waxaana lama huraana in labarto, lafahmo, laguna camal falo qura'anka kariimka. 

                     وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله 















Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post