Safiya bintu xuyay: HOOYADII MU'MINIINTA EE KASBATAY SHARAFTII ISLAAMKA!

 Bismillah Ku sali nabi muxamad NNKH 

Magaca safiya bintu xuyay

HORDHAC:

Safiya bintu xuyay rc waa mid kamida hooyooyinka mu'Miniinta oo taariikhda islaamka kaga suntan sheeko cajiiba oo xanbaarsan dulqaad, hanuun iyo sharaf. Waxay ka dhalatay qoys yuhuud ah oo si wayn ugu caanbaxay colaad ay uqabeen rasuulka SCW iyo islaamka. Aabaheed xuyay binu akhdab wuxuu ahaa hogaamiyihii qabiilka binu nadiir, oo si wayn ugu lug lahaa shirqoolada dadka muslimiinta ah. 

Nolasha safiya bintu xuyay waxay si lama filaan ah isku badashay kadib dagaalkii khaybar, markaas oo ay maxbuus ku noqotay gacanta muslimiinta. Kadib markaas waxay soo gashay islaamka waxayna guursatay nabiga SCW.  Tani waxay unoqotay safiya mid ay kaga soo baxday godka cadowtinimada kuna biirtay iftiinka islaamka. Maqaalkaan ayaan kusoo bandhigi doonaa Nolashiisii saxaabiyadan oo dhamaystiran. 

NASABKII IYO ASALKII SAFIYA BINTU XUYAY:

Safiya bintu xuyay rc waxay kasoo jeeday QABIILLA BINU NADIIR oo ah mid kamid ahaa qabiilooyinka yahuuda ahaa ee ku noolaa magaalada MADIINA. Binu nadiir waxay ahaayeen qabiil caan ku ahaa xoolo dhaqashada iyo ganacsiga.

Safiya aabaheed waxaa la odhanjiray XUYAY BINU AKHDAB, waxa uuna ahaa mid kamida madaxda ugu sareeyo qabiilka binu NADIIR. Xuyay waxa uu ahaa mid si gaara uneceb nabiga SCW iyo islaamka, waxa uuna hormuud ka ahaa shirqoola badan oo loo gaystay muslimiinta. 

Safiya hooyadeed waxaa la odhanjiray BARAA BINTU SAMAW'AL BINTU CADHIYA, oo iyaduna kasoo jeeday qabiil yahuudi ah. Qoyska hooyadeed wuxuu ahaa mid sharaf ku dhax leh yahuuda gaarahaan dhanka nasabka.

GUURARKII AY SOO MARTAY SAFIYA BINTU XUYAY:

GUURKII KOOWAAD:

Markii ay dhalinyarada ahayd safiya, waxaa loo guuriyay nin la odhan jiray SALAM BINU MISHKAM, oo kamid ahaa hogaamiyaasha binu nadiir. Salam waxa uu ahaa mid khibrad uleh dagaalka iyo siyaasada, wuxuuna xidhiidh qoys la lahaa reerka safiya rc. Sikastaba ha ahaatee salama iyo safiya way kala tageen.

GUURKII LABAAD:

Kadib kala tagidii Salam, safiya waxaa guursaday ninkale oo yahuudi ah oo la odhanjiray KINAAN BINU ABII CUQAYQ, oo isna ahaa ganacsade hodan ah oo caan ka ahaa magaalada yatrib [ madiina]. Kinaan waxa uu sidookle ahaa hogaamiye siyaasadeed oo saamayn ku leh qabiilka binu nadiir. 

Guurkii safiya iyo kinaana waxa uu sii jiray mudo gaaban, maxaayeelay nolashoodii waxay is badashay dagaalkii waynaa ee khaybar. Kinaana wuxuu door muhiima ka ciyaaray difaaca khaybar, wuxuuna hormuud unoqday dagaal ay yahuuda la galeen muslimiinta. Laakiin markii muslimiinta ay qabsadeen khaybar, kinaan waa la dilay, safiyana waxay noqotay maxbuus. Kadib markii ay maxbuus noqotay, safiya waxa ay kamid noqotay dumarkii Lakeenay guryihii muslimiinta waxayna intaas kadib guursatay nabiga SCW taasoo micnaheedu yahay safiya waxay kamid noqotay haweenkii sharafta lahaa ee soo maray taariikhda islaamka iyo mid kamid ah hooyooyinkii muslimiinta. 

CILMIGII SAFIYA IYO DOORKEEDII TAARIIKHIGA AHAA:

Safiya bintu xuyay rc waxay ahayd haweeneey cilmi badan leh. Waxay taqaanay luqado badan sida CARABIGA IYO CIBRAANIYADA. Waxay sidookle ahayd mid xifdisay qura'anka iyo axaadiista rasuulka SCW. Safiya waxa ay diinta islaamka ubaratay si Qotadheer iyadoo lagu xasuusto inay si cilmiyaysan uga doodi jirtay arimaha diinta. 

Doorkii taariikhiga ahaa ee safiya kadib geeridii nabiga NNKH, safiya waxay door muhiima ka qaadatay ilaalinta midnimada muslimiinta. Waxay si cad uga hor tagtay fidnooyinkii xiligaa jiray, waxayna taageero umuujisay ahlu_baydka iyo asxaabta nabiga SCW. Waxay noqotay hooyo talo wanaagsan bixisa iyo haweenay cilmi iyo xikmad usaaxiiba rc.

CASHIRADA LAGA BARANKARO NOLASHA SAFIYA:

Nolasha safiya bintu xuyay waxay ahayd mid ximbaarsan dhacdooyin waawayn oo taariikhda ku reebay raad. Waxay kasoo jeeday qoys awood leh oo katirsan qabiilka binu nadiir. Waxayna la kulantay guulo iyo imtixaano adag oo ugu danbayn ay ka gudubtay. Cashirada aynu ka baranayno: 

1. SAMIR IYO DULQAAD: Safiya waxay la kulantay dhibaatooyin badan laakiin samir ayay uga soo gudubtay.

2. ISLAAMKU WAA CADAALAD: islaamka ayaa baray inay tahay qof sharaf leh, loomana eegin asalkeedii.

3. HANUUNKA ALLE WAA NICMAD: Marka uu eebe kugu hanuuniyo jidka toosan, waa inaad la imaato shukrin iyo mahadcelin.

GEERIDII SAFIYA BINTU XUYAY: 

Safiya waxay geeriyootay sanadkii 50 AAD EE HIJRIYADA ISLAAMKA. Waxaana lagu aasay xabaalaha baqiic ee madiina. Halkaas oo ay ku aasanyihiin qaarbadan oo kamid ah saxaabada nabiga SCW. 

GABAGABO:

Nolasha safiya bintu xuyay rc waa mid ximbaarsan dhacdooyin waawayn oo laga dhaxli karo cashiro qiimo leh. Waxay ka dhalatay qoys caan ka ah yahuuda, balse eebe ayaa ugu deeqay hanuun, waxaana loo doortay inay noqoto mid kamid ah hooyooyinka mu'Miniinta. 

Taariikhda safiya waxaa laga baranayaa in qofka muslimka ah uusan ogolaan inuu noqdo qof hooseeya. Islaamka waa diin sharafta qofka kor uqaada, waxaana muhiim ah inuu qofka diintoisa saro uqaado.

SAFIYA BINTU XUYAY RC WAXAY KAMID NOQOTAY DUMARKA UGU SHARAFTA BADAN ISLAAMKA, TAARIIKHDEEDANA WAXAY SHARAF UTAHAY QOFKII DOONAYA SAMIR IYO DULQAAD. 


وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته. 



Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post