"FADLIGA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN IYO SOO DHAWAYNTIISA"

Bismillah Ku sali nabi muxamad NNKH 

BISHA SOONKA

HORDHAC:

Bisha ramadaanka ama soon waa bil laga wayneeyo islaamka gudihiisa dadka muslimiinta ahna ay soomaan si ay ugu dhawaadaan eebe Swt. Bishaan waxaa la soo dajiyay qura'anka kariimka waxana waajib ku tahay qof walboo muslim ah si uu uguto mid kamida tiirarka islaamka oo soonka.

Waa maxay soonka la soomo bishan ramadaan? Soon waa inaad iska dayso cunid ama cabid, iyo waliba waxyaalo Kalo oo badan laga bilaabo waabarka iyo qorax dhaca.

Bisha ramadaanka waxaa la waajibiyay sanadkii labaad ee hijriyada islaamka. Kadib markii ay soo dagtay aayadaan qura'anka ah: [ ياايها الدين ءامنوا كتب عليكم الصيام كماكتب علي الذين من قبلكم لعلكم تتقون].

Bisha ramadaan waxay leedahay xikmad iyo faa'iidooyin badan oo ku saabsan caafimaadka iyo tarbiyaynta ruuxda qofka sooma sidookle waxay xoojisaa xidhiidhka alle iyo qofka muslimka ah ka dhaxeeya. Bishaan waa fursad wayn oo loo baahanyahay in laga faa'iidaysto. 

Waxaan maqaalkaan si faafaahsan uga hadli doonaa FADLIGA SOOMIDA BISHAAN, XIKMADA LAGA LEEYAHAY, FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SOONKA IYO waxyaabo kale oo badan .

FADLIGA Ramadaanka:

Waa bisha ugu fadliga badan islaaamka. Waa bil lafuro albaabada janada, lana xidho albaabada naarta, lana silsiladeeyo [ LA XIRXIRO] shayaadhiinta. Nabiga SCW waxa uu yiri " BISHA RAMADAANKA WAXAA LA FURAA ALBAABADA JANADA, WAXAA LA XIDHAA ALBAABADA NAARTA, WAXAANA LA KATIINADEEYAA AMA LA SIL_SILADEEYAA SHAYAADIINTA]. Waxaa wariyay bukhaari iyo muslim labadaba.

Tani waxay ka dhigantahay in bishaan dadka muslimiinta ah heli karaan barako iyo magangalyo ka imaatay xaga eebe Swt. Ramadaanka waa bil la sameeyo camalada waawayn ay diinta islaamka fartay sida : SALAADO BADAN TARAAWIIX, TAAJID, QURAAN AQRIS IYO SADAQADA IWM. Waana bil mudan inuu qofka muslimkaa ku dadaalo wanaag badan si uu uhelo raali ahaanshaha alle iyo danbi dhaafkiisa wayn.

Bishaan ramadaan waa 30 [sodon] hesho toban kastaa waxay leedahay fadli iyo magac ugooni ah. Tobanka koowaad ee bishaan waa [ RAXMAD IYO NAXARIIS], Tobanka labaad waa [ DANBI DHAAF],Tobanka ugu danbeeyana waa tobanka [ NAARTA LA ISKA XOREEYO] faa'iidooyinka bishaan Intan way kasii badanyihiin alle nabad hanagu gaadhsiiyee.

XIKMADA SOONKA LAGA LEEYAHAY:

Soonku waa tiir kamida shanta tiir ee islaamka. Waxaana micnihiisu yahay ka fogaanshaha CUNID IYO CABID iyo sidookle waxyaabaha kale ee laga yaabo inay soonka buriyaan sida: HADALKA XUN IYO SAMAYNTA WAXYAABAHA XAARAANTA AH sida dhagaysiga muusiga ama heesha. Xikmadaha waawayn ee soonku uu leeyahay waxaa kamid ah kuwan hoose:

1. DULQAAD IYO SAMIR: soonku waa tab uu qofka ku barto dulqaadka iyo samirka, waa waqti qofku oo ka fogaanayo rabitaanka naftiisa iyo waxa ay jeceshahay. Tani waxay keenaysaa qofka sooman inuu yeesho simir.

2. SOO NOOLAYNTA RUUXDA: soonku wuxuu qofka ka caawiyaa inuu xoojiyo xidhiidhka asaga iyo alle ka dhaxeeyo, isaga oo aan ku mashquulin waxyaabaha aan micnaha lahayn oo si joogta ah ugu jihaystay cibaado.

3.TIXGALINTA DADKA BAAHAN : Markii la soomo qofku wuxuu darewmayaa baahida iyo xanuunka dadka saboolka ah, taasoo keenaysa inuu unaxariisto dadka kle, uuna caawiyo si bulshadu unoqdaan dad garab isu ah.

CIBAADOOYINKA LA BADIYO BISHAAN:

Ramadaanka waa bil la badiyo cibaadooyinka. Waxaa muhiima in la tukado salaadaha sunooyinka ah ee bishaan ku jira, in la badiyo Akhrinta qura'anka kariimka iyo in labixiyo sadaqada.

1. AKHRINTA QURA'ANKA: Qura'anka kariimka waa mucjiso rabaaniya oo eebe soo dajiyay. Bishaan oo la yiraahdo bishii qura'anka oo ah bishii lasoo dajiyay qura'anka sida uu ee kitaabkiisa ku sheegay: [ شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن] . Bishaan ayaa dadka muslimiinta ah ku dadaalaan inay dhowr jeer qatimaan qura'anka kariimka si ay uhelaan ajir wayn.aqrinta qura'anka waxay qofka ku xidhaa eebe Swt, waxayna bartaa akhlaaqda wanaagsan iyo waxyaabo kale oo nolashiisa aduun iyo aakhiro andacaysa.

2. SALAADAHA TARAAWIIXDA IYO TAHAJIDKA: salaadahaan labadaba waa sunooyinka waawayn ee bishaan mudan in lagu dadaalo inkastoo aan isku waqti la tukan labadooda salaada taraawiixda waxaa la tukadaa kadib markii laga baxo salaada cishaha waxyar kadib. Halka salaada tahajudka ay tahay Mid qaas u ah tobanka dabe ee bisha ramadaan waxaana kujiro habeenka laylatul-qadriga ah. Waxaa wanaagsan in lagu dadaalo sunooyinkaan si aan uhelno fadliga bishaan khayrka badan.

3. BIXINTA SADAQADA: ramadaan waa bishii sadaqada. Sadaqada waa mid kamida acmaasha ugu waawayn ee bishaan laga qanimaysto. Waxaa muhiima bishaan in loo naxariisto dadka masaakiinta ah lana garab istaago, si ay uhelaan waxay ku afuraan kuna saxuurtaan intuu soonka socdo. 

Nabigii NNKH waxaa laga wariyay inuu yiri "[ SADAQADA MA NUSQAAMISO MAALKA]. Sadaqada bishaan la baxsado waxay leedahay jano iyo waliba ajir wayn. Sidaas darteed waa inaa ku dadaalnaa wax bixiska bishaan.

FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SOONKA:

Soonku kaliya ma aha mid leh faa'iidooyin ruuxi iyo nafsi oo kaliya laakiinsa waxa uu leeyahay faa'iidooyin caafimaad oo badan. Waxaa kamida faa'iidooyinkaa :

1. MIISAANKA OO HOOS UDHACA: Soonka waxa uu qofka ka caawiyaa inuu hoos udhigo miisaankiisa. MaadAma soonka laga tagayo cuntooyinkii iyo cabitaanadii xad dhaafka ahaa, qofku wuxuu dareemayaa inuu miisaan ka dhacay hadii uu cuno fiidkii cunto caafimaad leh.

2. HAGAAJINTA KIIMIKADA DHEEFSHIIDKA: Soonku wuxuu ka caawiyaa kiimikada dheefshiidka in ay si haboon ushaqayso. Jirka ayaa isticmaala baruurta ku kaydsan si uu uhelo tamar. Sidaas darteed soonku waxuu gubaa dufanka badan, waxaana loo arkaa inuu yahay soonka mid jirka caafimaad uleh.

3. KA FOGAANSHA XANUUNADA: soonku waxa uu jirka ka fogeeyaa cudurada sida sonkorowga, cadaadiska dhiiga iyo dhibaatooyinka caafimaad ee wadnaha. Waxaa sidookle laga helaa xoojinta heerarka sokorta dhiiga iyo hagaajinta heerarka cholesterol ka ama [ DUFANTA]. 

4. NADIIFINTA JIRKA: Soonku waxuu jirka ka caawiyaa inuu nadiif noqdo. Markii uu jirka waayo cunto iyo cabid mudo dheer, waxa uu bilaabaa inuu ka nadiifiyo sinta iyo macdanta aan faa'iidada ulahayn ee ku jirta dhiiga, iyadoo ay hagaagayaan caafimaadka guud ee qofka sooman.

GUNAANAD:

Bisha ramadaan waa fursad aan caadi ahyn oo lagu xoojiyo xidhiidhka alle iyo adoonkiisa ka dhaxeeyo. Waa bil qofka barayso samirka, dulqaadka oo siinayso qofka caafimaad dhamaystiran. Waxaa muhiima inta lagu guda jiro bishaan in la badiyo cibaadooyinka ajirka leh sida salaadaha sunada ah, Akhrinta qura'anka kariimka iyo waliba bixinta sadaqada. Waxaa kaloo haboon inuu qofka ka fogaado hadalada xun, macsida iyo waxyaabaha xaaraamta ah bishaan sida heesaha. 

Bishaan waa bil fadli wayn leh oo halkaan lagu soo koobi karin waa bil ajirkeeda eebe bes garanayo oo qofna ogayn waa bisha albaabada janada lafuro, kuwa naarta la xidho, shayaadiintana la katiinadeeyo kuwooda madaxa adag. Waa bishii raxmada, danbi dhaafka iyo xoraynta naarta, waa bishii turida oo loo gargaari jiray muslimiinta kuwooda saboolka ah. Waa bil kulansatay khayr oo dhan. Allow nabad iyo caafimaad nagu gaadhsii nagana dhig kuwo ka faaiidaysto. Aamiin aamiin aamiin. 


وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته. 

Halkaan kasii aqriso maqaalo xiiso leh👇👇:

https://www.jidkaguusha.site/2025/01/umuxabib-haweenaydii-rumaynta-iyo.html.


https://www.jidkaguusha.site/2025/01/umu-salama-rc-haweenaydii-samirka-iyo.html.


https://www.jidkaguusha.site/2025/01/cali-ibnuabiidhaalib-saxaabi-geesi-ah.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/12/xafsa-bintucumar-binukhadhaab.html.


https://youtu.be/IU0gdv4Dj9s?si=cgVFJo209mLLRGw-.


https://youtu.be/XES4N2XHKA0?si=W3J1luq4GzNftf2N.


Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post