"UMU_XABIB" HAWEENAYDII RUMAYNTA IYO ADKAYSIGA QOTODA DHEER LAHAYD!

Bismillah ku sali nabi muxamad NNKH 
MAGACA UMU XABIB

HORDHAC:

Umu xabiiba magaceeda oo dhamaystiran waa RAMLA BINTU ABII SUFYAAN RC waa mid kamida haweenka saxaabiyaadka ah ee taariikhda islaamka lagu xasuusto sharaf iyo samir. Waxay ahayd qof adkaysi badan oo ay ka go'nayd ilaalinta rumaynteeda, inkastoo ay soo wajaheen dhibaatooyin waawayn. Nolasheedu waxay ahayd mid ku salaysan iimaan qota dheer iyo jacayl ay diinta islaamka uqabto. Maqaalkaan waxaan uga faaloon doonaa taariikhdeeda oo faafaahsan.

MAGACEEDA IYO NASABKEEDA:

Magaceedu waa RAMLA BINTU ABII SUFYAAN BINU XARBI BINU UMAYA, oo ka dhashay qoys sharaf leh oo reer quraysh ah. Aabaheed abuu SUFYAAN waxuu ahaa hogaamiya wayn oo mudadii hore kasoo horjeeday islaamka, hasayeeshee markii danbe islaamka qaatay. Hooyadeed waxaa la odhanjiray SAFIYA BINTU ABIL_CAAS oo sidookle ka dhalatay qoys magac leh.

Umu_xabiib waa naanays loo bixiyay, waxaana loogu magac daray gabadheeda XABIIBA, oo ay udhashay ninkeedii hore ee CABDULLAHI BINU JAXSHE. Waxay caan ku noqotay naanaystaan ayadoo lasocotay ilaa dhamaadka nolasheeda Umu_xabiib. 

QAADASHADII DIINTA IYO HIJRADII XABASHIDA:

Umu_xabiib waxay ka dhalatay qoys mushrikiin ah, balse markii nabi muxamad NNKH uu bilaabay dacwada islaamka, waxay si dagdag ah uqaadatay diinta, ayada oo ku qanacday towxiidka iyo fariinta islaamka. Go'aankaas waxa uu keenay cadaadis badan oo kaga yimid dhanka qoyskeeda maadaama aysan islaam ahayn.

Markii ay sii kordheen dhibaatooyinkii reer quraysh, Umu_xabiib iyo ninkeedii waxay u hijroodeen dhulka xabashida si ay uhelaan nabadgalyo. Xabashida waxaa xukumi jiray boqor la oranjiray NAJAASHI oo cadaalada caan ku ahaa. Inkastoo dhulka xabashida uu ahaa dhul nabdoon hadana Umu_xabiib waxay wajahday dhibaato kale kadib markii ninkeedii CABDULLAHI BINU JAXSHE uu ka baxay islaamnimadii balse Umu_xabiib waxay ku adkaysatay diinteeda iyo rumaynteeda alle iyo rasuulkiisa SCW. 

GUURKII HORE EE UMU XABIB RC:

Umu_xabiib RC waxay guursatay CABDULLAHI BINU JAXSHE,  oo kamid ahaa muslimiintii horay uqaatay diinta islaamka. Cabdullahi wuxuu ahaa wallaalka ZAYNAB BINTU JAXSHE oo ahayd mid kamida xaasaskii nabiga NNKH. 

Umu_xabiib waxay udhashay CABDULLAHI BINU JAXSHE XABIIBA BINTU CABDULLAHI waana sababta loogu naanaysay magacaan Umu_xabiib RC. 

GUURKII NABIGA SCW EE UMU_XABIIB RC:

Markii uu nabi muxamad NNKH ka war helay xaalada adag ee Umu_xabiib rc, waxa uu go'aansaday inuu guursado si uu utaageero. Kadib geeridii saygeeda Cabdullahi binu jaxshe, nabiga SCW ayaa ka dalbaday guur Umu_xabiib. Waxayna Umu_xabiib ka mid noqotay xaasaskii rasuulka SCW ayadoo ka qayb qaadatay door wayn oo diinta islaamka ah.

TAAGEERIDII DIINTA EE UMU_XABIIB RC:

UMU_XABIIB RC waxay si joogta ah uga qayb qaadatay faafinta diinta islaamka, ayada oo ku dadaashay inay barto gaarsiisana diinta haweenka kale. Waxay ahayd qof aqoonta diinta ku xeeldheer oona warisay xadiisyo badan oo ka sugnaaday rasuulka NNKH. 

Waxaa la sheegaa inay Umu_xabiib warisay xadiisyo gaadhayo ilaa iyo 65 xadiis kuwaas oo ka hadlayo fadliga salaada, akhlaaqda wanaagsan iyo arimo la xidhiidho bulshada. Waxay ahayd Umu_xabiib qof ku adadag diinta ilaalisana axkaamteeda iyo ku dhaqankeeda rc.

XIDHIIDHKII UMU_XABIIB RC IYO AABAHEED:

Waxay aahyd qisada ugu caansan Umu_xabiib nolasheeda markii uu booqasho ugu yimid aabaheed UBUU SUFYAAN oo doonayay inuu heshiis la galo nabiga SCW. Inkastoo uu ahaa aabaheed hadana waxay udiiday inuu fadhiisto gogashii nabiga SCW, ayadoo tilmaantay inay tahay gogal barakaysan oon cadowga islaamka ku haboonayn. Waxa uu muujinayaa ficilkeeda difaacida diinta islaamka iyo sharaf muslimiinta. 

CASHIRADA AYNU KA BARANAYNU NOLASHEEDA:

1. ADKAYSIGA IYO SAMIR QAADASHADA: Umu_xabiib waxay muujisay sida qof muslim ah ugu adkaysan karo imtixaanada iyo dhibaatooyinka nolasha, ayadoo ku sugnaatay diinteeda waqtiyo adag.

2. SHARAFTA IYO AMAANADA DIINTA: Umu_xabiib RC waxay tusaale utahay sida qofka mislimka ah u ilaaliyo sharafta nabiga SCW iyo magaca diinta islaamka. 

3. KA QAYB QAADASHADA FIDINTA DIINTA ISLAAMKA: waxay ku dadaashay Umu_xabiib rc inay faafiso diinta islaamka, gaar ahaan axaadiista nabiga SCW, taasoo cashir wayn u ah dadka muslimiinta ah oo ay kaga daystaan siday diinta door muhiima uga soo qaadatay.

GEERIDII IYO DHAXALKII AY KA TAGTAY UMU_XABIIB:

UMU_XABIIB waxay ku geeriyootay magaalada MADIINA laguna aasay waqtigii khaliifada wallalkeed mucaawiye binu abii sufyaan, oo asna kamid ah saxaabada nabiga SCW.

Dhaxalkii ay ka tagtay waa mid saamayn leh oo kasii muuqdo taariikhda islaamka waxyaabaha sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ah inay warisay axaadiis badan oo kasugnaaday nabiga SCW. Waxayna door wayn ku lahayd faafinta dacwada islaamka. 

GUNAANAD:

UMU_XABIIB RC waxay leedahay taariikh dhaxalgal ah oo ku dheehan rumayn xoogan, adkaysi iyo waxqabad aan la hilmaami karin. Waxay ahayd saxaabiyad ku dayasho mudan oo haweenka bari jirtay diinta. Waxaana lagu xasuusan karaa u adkaysiga dhibaatooyinkii nolasheeda soo maray iyo kamid noqoshadii xaasaskii rasuulka SCW. 


HALKAAN KASII AQRISO MAQAALO KALE👇👇:






Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post