Bismillah Ku sali rasuulka Nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
![]() |
MAGACA UMU SALAMA |
UMU SALAMA RC oo magaceedu dhabta yahay HINDA BINTU ABI UMAYAH BINU AL-MUQIIRA, waxay ka dhalatay qoys sharaf leh oo reer maka ah. Waxay ahayd haweeneey caan ku ah caqiido adayg, dulqaad iyo doorka muhiimka ah oo ay ka qaadatay faafinta diinta islaamka. Taariikhdeeda waxaa lagu xusuustaa dhaxalka ay kaga tagtay islaamka dhaxdiisa, gaar ahaan aqoonta iyo sabarka. Maqaalkaan wuxuu si faafaahsan uga hadli doonaa nolasheeda oo dhamaystiran, laga soo bilaabo dhalashadeeda ilaa geerideeda.
QOYSKA IYO DHALASHADA UMU_SALAMA:
UMU SALAMA waxay ka dhalatay qoys caan ah oo quraysh ah, Aabaheed, abii_umaya, oo sidookle loo yaqiin zaad ar_Rakib, wuxuu Caan ku ahaa DEEQSINIMO IYO MARTISOOR. Hooyadeedna waxay ahayd haweeneey sharaf leh oo magac ku leh bulshada reer maka. Umu salama waxaa lagu soo koriyay nolal barwaaqo ah, balse waxay sidookle ahayd qof caqli badan oo nolasha ku wajahda xikmad iyo samir.
GUURKII UMU SALAMA IYO DIINTA ISLAAMKA:
UMU_SALAMA waxaa markii hore guursaday ABU SALAMA BINU ABDIL_ASAD, oo kamid ahaa saxaabadii ugu horaysay ee qaata diinta islaamka. Labadooduba waxay ahaayeen kuwa aad isugu dhaw oo wadaaga caqiida adag oo ku salaysan islaamka. Markii ay qaateen diinta islaamka, waxay noqdeen kuwa ubabac dhigaya cadaadiska quraysh, iyagoo u adkaystay dhibaatooyin badan oo kaga yimid qoysaskooda iyo bulshada.
Markii cadaadiska quraysh uu batay, UMU SALAMA IYO UABUU SALAMA waxay ka mid noqdeen dadkii ugu horeeyay ee uhijrooda dhulka xabashida [ ETHIOPIA]. Halkaas ayay ka heleen nabadgalyo iyo xoriyad diimeed oo mudo kooban ah. Markii danbe waxay usoo noqdeen maka.
HIJRADII MADIINA IYO MURUGADII KALA GU'IDA QOYSKA:
Markii nabiga SCW uu fasaxay hijradii madiina, UMU SALAMA IYO ABUU SALAMA waxay ka mid noqdeen dadkii uhijrooday. Safarkaan wuu ahaa mid aad u adga, gaar ahaan umu salama. Qabiilka abuu salama ayaa isku dayay inay ka qaadaan caruurteeda, halka qabiilka hooyadeedna ay iyada xoog ku haysteen. Waxaa la sheegay inay mudo bilo ah ku noolayd kalinimo iyo murugo, iyadoo aan la joogin ninkeeda iyo caruurteeda. Ugu danbay, alle wuxuu mideeyay qoyska, waxaana umu salama uga dhignayd arintaan guul wayn oo ku timid dulqaadkeeda.
GEERIDII ABUU SALAMA IYO MURUGADII UMU_SALAMA:
Abuu salama waxa uu ahaa dagaalyahan geesi ah oo ka qayb galay dagaaladii BADAR IYO UXUD. Intii uu difaacayay diinta islaamka wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii uxud, dhaawacaas oo ugu danbayn sababay dhimashadiisa. Ka hor inta aanu dhiman, wuxuu ku ducaystay in uu alle umu salama siiyo nin ka wanaagsan si uu udaryeelo. UMU_SALAMA waxay noqotay carmal iyadoo xanaanaysa caruurteeda, murugadana waxay ku maaraysay samir iyo kalsoon ay alle ku qabto.
UMU_SALAMA IYO GUURKII NABIGA SCW:
Kadib geeridii ABU SALAMA, UMU_SALAMA waxay umuuqatay mid daryeeli karta caruurteeda balse wajahaysa caqabada badan oo nolasha ah. Nabiga SCW oo ka warhayay xaalkeeda ayaa ku dhiirigaliyay inuu guursado. UMU_SALAMA markii hore way ka gaabsatay guurka, ayadoo usheegtay nabiga inay tahay haweeneey carmal ah oo hadana masayr badan, kadib nabiga SCW ayaa umu salama ku yiri" waxaan kuu baryaa alle si uu kaaga qaado masayrka iyo dabeecadaha xun alle ayuuna ubaryay.
Guurkii nabiga SCW iyo UMU_SALAMA wuxuu noqday mid barako badan, UMU_SALAMA waxay noqotay mid kamida UMUHAATUL_ MU'MINIIN [ hooyooyinkii Mu'miniinta]. Waxay door wayn ka qaadatay barida haweenka muslimiinta diinta iyo
Faafinta xadiisyada nabiga SCW.
AQOONTII IYO TALADII UMU_SALAMA RC:
UMU_SALAMA waxay ahayd haweeneey xikmad badan oo lagu tixgaliyo go'aan qaadasho sax ah. Waxaa la sheegaa inay ahayd qof talo muhiim ah siiyay nabiga SCW intii uu socday heshiiskii xudaybiya, nabiga SCW iyo Muslimiinta ayaa galay xaalad adag kadib markii reer qureesheed ku adkaysteen go'aan culus oo ahaa inay muslimiinta soo galin maka sanadkaas si ay ugutaan cumrada. Muslimiinta ayaa diiday oo ka carooday arintaa maadaama heshiisku ka hor imaanayo maslaxadooda.
Markii ay xaalada sii adkaatay ayaa nabiga SCW amray muslimiinta inay gowracaan xoolaha hadyiga ah iyo inay xiiraan timaha si ay umuujiyaan inay heshiiska aqbaleen una dhamaystaan cibaadada. Sikastaba ka ahaatee majirin qof muslima oo dhaqankaas durba fuliyay, sababtoo ah waxay dareemeen in rajadoodii ahayd inay galaan magaalada maka loo diiday.
Kadib murugadaas nabiga SCW ayaa utagay UMU_SALAMA si uu ula tashto. UMU_SALAMA oo ahayd qof caqli iyo xikmad usaaxiiba ayaa kula talisay nabiga SCW inuu asaga noqdo qofka ugu horeeya ee fuliya amarka. Waxay ku tidhi " RASUULKII ALLOOW SAMEEY WIXII AAD AMARTAY IYAGUNA WAY KU RAACI DOONAAN" kahor intaadan ayaga lahadlin qudhaada sameey.
Nabiga SCW ayaa markaas bilaabay inuu gowraco xoolihii hadyiga ahaa iyo inuu timaha xiirto. Markii ay muslimiintii arkeen ficilkii nabiga SCW, dhamaantood way raaceen oo waxay bilaabeen inay amarka fuliyaan. Tala bixintii UMU_SALAMA ayaa waxay soo afjartay dhibaatadii taagnayd.
DHAXALKII UMU_SALAMA RC:
UMU_SALAMA waxay tusaale utahay haweenka muslimaadka ah, iyadoo ku caanbaxday samirka, xikmada iyo doorka muhiimka ah oo ay ku lahayd faafinta diinta islaamka. Nolasha UMU_SALAMA waxay tusaala utahay qof kasta oo doonaya guul aduun iyo mid aakhiro labadaba. Dhaqanka iyo talada UMU_SALAMA waa mid aan la iloobi karin oo ku suntay taariikhda islaamka. Waxay ahayd UMU_SALAMA mid diinta barta haweenka muslimiinta ah waana door wayn oo ka muuqda taariikdeeda rc.
NOLASHEEDII DANBE IYO GEERIDII:
Kadib geeridii nabiga NNKH, UMU_SALAMA waxay sii waday doorkeedii ku aadanaa barida iyo faafinta diinta. Waxay ahayd qof leh dulqaad iyo halabuur. Waxaa la sheegaa inay mudo dheer ku noolayd magaalada madiina, halkaas oo ay ku bixisay waqtigeeda si ay ufaafiso aqoonta islaamka. UMU_SALAMA waxay ku geeriyootay magaalada MADIINA. Waxaana lagu aasay qubuuraha BAQIIC EE Barakaysan rc.
GABAGABO:
UMU_SALAMA waxay ahayd tusaale ku dayasho mudan oo lagu xasuusto xikmadeeda, dulqaadkeeda iyo doorkeeda wayn ee ay kasoo qaadatay diinta. Waxay ahayd mid markastaa nabiga SCW siiso talooyin qiima leh sida taladii heshiiskii xudaybiya, waxayna tani muujinaysaa fikirkeedii iyo inay ahayd qof jecel midaynta muslimiinta. Taariikhda waxay dhiirigalin utahay haweenka si ay uqaadaan wadadeeda. Dhaxalka UMU_SALAMA waa mid baaqi kusii ahaan doona qalbiyada kuwa raacay xaqa rumeeyayna alle swt iyo rasuulkiisa muxamad SCw.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Halkan kasii aqriso maqaalo kale oo xiiso leh 👇👇: