Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
MAGACA SAXAABIGA cali binu abii_dhaalib |
HORDHAC:
Cali binu abii_dhaalib waa mid kamida saxaabadii ugu sharafta badnaa ee saxaabadii nabiga SCW, waxa uu ku dhashay magaalada maka, waxa uuna ka soo jeedaa qoyska BINU_HAASHIM oo ahaa qoyskii uu ka dhashay nabi muxamad NNKH. Cali waxa uu ahaa midka ugu horeeyay ee rumeeyo nabiga SCW asagoo aad uda'yar. Cali waxa uu kasoo qayb qaatay dagaalo badan sida: DAGAALKII UXUD, UXUD IYO KHANDAQ waxa uu ahaa saxaabi geesi ah oo aan marnaba ka cabsan meelaha dagaalka. Geeridii rasuulka SCW waxa uu Cali noqday khaliifkii afraad ee muslimiinta asagoo ahaa mid leh hogaamin wanaagsan, intii uu Cali xilka hayay waxa uu la kulmay khilaafyo siyaasadeed iyo dagaalo sida dagaalkii SAFIIN IYO JAMAL. Waxaan maqaalkaan kusoo qaadan doonaa taariikhda saxaabigan wayn oo dhamaystiran.
DHALASHADII IYO BARBAARIDII CALI:
Cali ibnu_abiidhaalib [rc] waxa uu ku dhashay magaalada maka sanadkii 600 EEMILAADIGA, waxa uuna ka dhashay qoys sharaf badan oo ka tirsan BANU HAASHIM. Hooyadiis waxaa la odhan jiray FAADIMAH BINTU ASAD, waxay ahayd waxay ahayd haweenay cibaado badan, Aabihiis ABUU DHAALIB waxa uu ahaa adeerkii nabiga SCW oo soo barbaariyay soona daryeelay nabiga SCW markii uu yaraa.
Cali ibnu_abiidhaalib waxa uu kusoo barbaaray guriga nabiga SCW, cali iyo nabiga waxa ay ahaayeen ilmo adeero ahaayeen, asagoo ka helay barbaarin diineed iyo aklaaq wanaagsan. Waxa uu ku koray nolal xikmad iyo Jacayl diineed, waxa uuna ahaa qof da'yar oo karti iyo aqoon usaaxiiba.
QOYSKII CALI BINU_KHADHAAB:
Cali ibnu_abiidhaalib waxa uu ka dhashay qoys sharaf ku dhax leh quraysh. Cali waxaa barbaarintiisa qayb wayn kasoo qaatay labadiisa waalid.
Aabihii ABUU DHAALIB BINU CABDI MUDHALIB waxa uu ahaa adeerkii nabiga SCW iyo mid kamida taageerayaasha ugu dhaw nabiga SCW, inkastoo ABUU DHAALIB uusan qaadan diinta islaamka hadana waxa uu ahaa mid si wayn udifaaco nabiga SCW iyo fariinta islaamka.
HOOYADII cali FAADIMAH BINTU ASAD waxay ahayd haweeneey wanaagsan oo islaamka qaadatay waana mid kamida kuwii ugu horeeyay ee muslima. Faaduma waa mid door wayn ka qaadatay barbaarinta nabiga SCW maadaama nabiga uu ku soo koray guriga adeerkiis ABUUDHAALIB.
Walaalahii cali binu Khadhaab waxaa la wariyaa in cali ladhasheen sedex wiil iyo afar gabdhood waxayna kala yihiin: JACFAR BINU ABII DHAALIB, TAALIB BINU ABII DHAALIB, CAQIIL BINU ABII DHAALIB, FAAKHITA BINTU ABII DHAALIB IYO JUMAANA BINTU ABII DHAALIB. Cali ibnu_abiidhaalib walaalihiis waxaa ugu caansan JACFAR BINU ABII DHAALIB oo ahaa mid kamid ah saxaabadii rasuulka SCW kuwii ugu sharafta badnaa. Jacfar wuxuu hogaamiyay hijradii muslimiinta ee xabasha. Jacfar binu abii_dhaalib waxa uu ku geeriyooday dagaalkii mu'ta.
GUURARKII IYO CARUURTII CALI [RC]:
Cali ibnu_abiidhaalib waxa uu guursaday haween dhowr ah waxaana ugu caansanaa gabadhii nabiga SCW ee ahayd FAADIMAH BINTU MUXAMAD rc guurka cali iyo faaduma waxa uu ahaa mid barakaysan, waxay isku dhaleen ubad wanaagsan oo taariikhda islaamka wax wayn kusoo kordhiyay. Cali iyo faaduma waxay isla soo mareen nolal duruufa badan laakiin ay muujiyeen Samir iyo iimaan dhab ah.
CARUURTII CALI RC: saxaabiga wayn ee cali waxa uu dhalay XASAN BINU CALI, XUSEYN BINU CALI, ZAYNAB BINTU CALI IYO UMUL_KALTUUM BINTU CALI caruurtaan waxaa dhashay faaduma bintu muxamad rc faaduma waxay geeriyootay kadib geeridii nabi muxamad NNKH kadib lix bilood.
Kadib geeridii faaduma cali waxa uu guurasaday haween badan waxaa kamida: XOWLA BINTU JACFAR oo cali rc udhashay hal wiil oo lagu magac aabi jiray MAXAMED.
LAYLA BINTU ASAD : waxay udhashay laba wiil oo kala ah CABDULLAHI BINU CALI IYO ABUUBAKAR BINU CALI.
ASMAA BINTU CUMAYS: Asmaa waxay ahayd xaaskii hore ee jacfar binu abii_dhaalib inta uusan shahiidin kahor. Waxayna cali udhashay wiil la odhan jiray : YAXYE BINU CALI. Sidookle cali waxuu guursaday xaasas kale.
SOO GALITAANKII CALI EE DIINTA ISLAAMKA:
Cali ibnu_abiidhaalib waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay oo kamida dhalinyarada oo qaata diinta islaamka. Waxuu qaatay diinta asagoo aad uda'yar, markuu arkay nabiga SCW oo salaada tukanaya oo ay la jirto khadiija Rc. Cali wuxuu si dhaqsa ah ufahmay fariin nabiga SCW kadibna waxa uu door wayn ka qaatay faafinta diinta islaamka.
DOORKIISII ISLAAMKA EE CALI :
Cali ibnu_abiidhaalib waxa uu door muhiima ka ciyaaray faafinta iyo difaaca islaamka. Waxa uu ka qayb galaay dagaalo waa wayn sida: BADAR, UXUD IYO KHANDAQ. Dagaaladaas cali wuxuu muujiyay geesinimo waxaana lagu yaqaanay cali inuu ahaa mid aad uyaqaano xeeladaha dagalka geesina ah. Cali waxa uu diinta islaamka uhuray naftiisa asgoo dagaalo badan kaga adkaaday gaalada.
HOGAANKII IYO KHILAAFADII CALI rc:
Cali binu abii_dhaalib rc waxa uu ahaa khaliifkii afraad ee muslimiinta kadib geeridii CUSHMAN IBNU_CAFAAN RC. Mudadii uu xilka hayay waxuu wajahay caqabado siyaasadeed oo adag, oo ay kamid ahaayeen fitnooyin iyo khilaafaad gudaha ah. Intii uu xilka hayay cali wuxuu isku dayay inuu soo celiyo midnimada muslimiinta, balse waxaa jiray dagaalo sokeeye sida: DAGAALKII JAMAL IYO SAFIIN.
DAGAALKII SAFIIN: Waa mid kamida dhacdooyinkii ugu waawayn ee taariikhda lagu xusuusto. Oo dhaxmaray CALI IYO MUCAAWIYA BINU ABII SUFYAAN. Dagaalkaan wuxuu ka dhashay khilaaf kubsaabsan sidii loo cadaalad marin lahaa kuwii dilay CUSHMAN IBNU_CAFAAN RC. Inkastoo cali uu ku dadaalay inuu xaliyo khilaafaadka, xaaladu way kasii dartay ilaa ay keentay kala qaybsanaan muslimiinta dhaxdooda ah.
DHAXALKII CALI RC:
Cali binu abii_dhaalib waxuu reebay dhaxal taariikhi ah oo qota dheer. Wuxuu ahaa tusaale ku dayasho mudan oo ku saabsan GEESINIMADA, CADAALADA IYO JACAYLKA DIINTA. Wuxuu kaloo reebay Dardaarano iyo Xikmado dhaxal gal ah kuwaas oo tilmaamayo waxtarkii cali ee bulshada muslimiinta ah.
DILKII CALI RC:
Cali ibnu_abiidhaalib waxaa dilay nin la odhan jiray CABDULLAHI BINU MULJIM oo kamid ahaa koox kasoo horjeeday cali rc kadib dagaalkii safiin iyo heshiiskii uu la galay MUCAAWIYA BINU ABII SUFYAAN RC. Dilka cali waxa uu ka dhacay magaalada KUFA EE ciraaq sanadkii 40 AAD ee hijriya, xili uu cali usocday masjidka sida uu salaada subax ugu soo tukado. Cali wuxuu dhaawicii soo gaadhay ugeeriyooday laba maalin kadib.
GUNAANAD:
Cali binu abii_dhaalib dhaalib wuxuu ahaa mid kamid saxaabidii waawaynaa ee iyagoo nool janada loogu bishaareeyay. Cali wuxuu ahaa mid geesi ah, cadaalada jecel iyo sidookle difaaca marwalba diinta islaamka asagoo ka qayb galay dagaalo waawayn sida: UXUD, BADR IYO KUWA KALE. Cali ibnu_abiidhaalib waxa uu tusaalo uyahay umada muslimiinta ah oona mudan in lagu daysto. Taariikhda saxaabigaan ma aha Intan oo kaliya laakin intaan awoodo ayaan kasoo qaatay.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته.
Halkan kasii aqriso maqaalo kale 👇👇:
https://www.jidkaguusha.site/2024/12/xafsa-bintucumar-binukhadhaab.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/12/maxaad-ka-taqaanaa-saxaabiga-wayn-ee.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/12/waa-maxay-baryada-alle-swt.html.