Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
MAGACA XAFSA BINTU CUMAR |
HORDHACA TAATIIKHDA:
Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab [RC] waa mid kamida haweenkii taariikda islaamka saamayn wayn ku leh. Waa mid kamida xaasaskii nabigeena muxamad NNKH, hooya ka mida hooyooyinkii Mu'miniinta iyo haweenay lagu xusuusto aqoon, cibaado iyo doorkeedii diimeed. Nolasheeda waxaa ka buuxay dhacdooyin cajiiba oo soobandhigayo kartideeda,caqligeeda iyo kaalinta ay ka qaadatay ilaalinta diinta islaamka. Maqaalkaan ayaan kusoo bandhigi doonaa habnolaleedkeedii iyo taariikhdeeda oo dhamaystiran.
DHALASHADII IYO BARBAARIDII XAFSA [RC]:
Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab waxay dhalatay qiyaastii sanadkii [ 605] Milaadiga, waxayna ku dhalatay magaalada maka. Aabaheed waa CUMAR BINU_KHADHAAB [rc] oo ahaa khaliifkii labaad ee muslimiinta. Hooyadeed waa ZAYNAB BINTU MADHCUUM oo iyaduna ahayd qof sharaf leh oo kasoojeeday qabiilka quraysh.
Xafsa waxay kusoo kortay guri lagu yaqaanay dabeecad adayg, go,aan qaadasho iyo edeb. Xafsa aabaheed cumar binu_khadhaab, wuxuu Caan ku ahaa geesinimo iyo cadaalad waana tan keentay Xafsa inay ku barbaarto nolal masuuliyad ku dhisan.
GUURKII UGU HOREEYAY EE XAFSA BINTU CUMAR:
Xafsa waxay markii ugu horaysay guursatay KUNAYS BINU XUDAAFA AL_SAHMI oo kamida saxaabadii rasuulka SCW. Muda kadib waxay uqaxeen dhulka xabashida si ay uga badbaadaan dhibaatada gaalada maka.
Markii danbe waxay dib ugu soo laabteen maka kadibna uhijroodeen madiina markii nabiga SCW iyo Muslimiinta ay halkaa uwareegee. Khunays waxa uu ahaa mid ka qaybgalay dagaalo badan sida: Badar iyo uxud laakiin waxuu ku geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay dagaalkii uxud.
Markii uu khunays dhintay kadib xafsa waxay noqotay haweeneey carmal ah ama garoob waliba iyadoo da'yar. Kadib geeridii saygeeda waxay guursatay rasuulka SCW.
GUURKII XAFSA EE NABIGA NNKH:
Kadib markii Xafsa ay carmal noqotay, aabaheed cumar binu_khadhaab waxa uu raadiyay qof guursada gabadhiisa Xafsa, wuxuuna utagay labada saxaabi ee waawayn oo kala ah: ABUUBAKAR SIDIIQ IYO CUSHMAN IBNU_CAFAAN [RC] balse labadooduba way ka aamuseen cumar. CUMAR waxa uu utagay nabiga SCW asgoo ka cabanaya arintaa, Markaas ayuu nabiga SCW usheegay inuu isaga guursan doono Xafsa [rc] .
Guurkii nabiga SCW iyo xafsa wuxuu dhacay sanadkii SADAXAAD ee hijriyada islaamka. Guurka xafsa wuxuu muujinayaa xoojinta xiriirka muslimiinta iyo udhimrinta haweenka carmalka ah.
DOORKEEDII GURIGA NABIGA SCW EE XAFSA:
Xafsa waxay ahayd qof cibaado badan oo si joogta ah utukato salaadaha gaar ahaan salaada habeenkii [ SALATU_LAYL] waxay sidookle ku dadaali jirtay soonka maalintii. Waxay ahayd qof ku dheehan ga'aan qaadasho iyo daacadnimo.
Markii laga hadlayo aqoontii xafsa waxay ahayd mid si fiican ubaratay qura'anka kariimka iyo axaadiista rasuulka SCW. Waxay ku dadaashay inay ka faaiidaysto joogitaanka gurigii nabiga SCW si ay ubarato diinta islaamka ayna usii faafiso. Waxaa laga wariyay axaadiis dhowr ah taas oo muujinaysa inay ka qayb qaadatay fidinta diinta islaamka.
ILAALINTII QURA'ANKA KARIIMKA:
Mid kamida doorkii ugu muhiimsanaa ee taariikhda islaamka waa in xafsa lagu aaminay nuqulkii ugu horeeyay ee qura'anka kariimka ah. Xiligii abuubakar sadiiq RC, kadib dagaalkii yamamah oo ay ku dhinteen qaar badan oo xaafidiintii qura'anka ah, waxaa la go'aamiyay In la aruuriyo qura'anka oo la qoro. Nuqulkaad markii la diyaariyay waxaa lagu wareejiyay CUMAR BINU_KHADHAAB kadib waxuu ku aaminay gabadhiisa XAFSA RC.
Markii uu Cusmaan binu cafaan RC khaliifka noqday,wuxuu isticmaalay nuqulkii ay xafsa qortay,si uu usameeyo nuquladii qura'anka ee loo diray gobaladii muslimiinta. Tani waxay muujinaysaa door muhiim ah ay uga qaadatay ilaalinta Qur’aanka kariimka.
XAFSA IYO DHIBAATOOYINKII GURIGA NABIGA SCW:
Sida xaasaskii kale ee nabiga SCW, xafsa waxay la kulantay waqtiyo adag oo qoyska dhaxdiisa ah. Waxaa jira waqti uu nabiga SCW ku sigtay inuu furo nabiga xafsa kadib dhacda qoys oo la xiriirtay sir ay si qarsoodi ah ufaafisay. Arintaas oo ay la wadaagtay CAA'ISHA BINTU ABIIBAKAR oo ay ahaayeen ayda iyo xafsa kuwa aad isugu dhaw marka la fiiriyo haweenka kale ee nabiga SCW.
Allah SWT ayaa aayado qura'anka kariimka ku soo dajiyay Nabigiisa asagoo kadiga arintaas. Tani waxay muujinaysaa dulqaadkii xafsa ee adkaa.
GEERIDII XAFSA IYO DHAXALKII AY KATAGTAY:
Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab rc waxay geeriyootay sanadkii 45 AAD ee HIJRIYADA, xiligii khilaafada walaalkeed CABDULLAAHI binu Cumar rc. Waxaa lagu aasay qubuuraha baqiic ee madiina, halkaas oo lagu aasay qaar badan oo kamida hooyooyinkii Mu'miniinta.
Xafsa waxay ka tagtay dhaxal ah tusaale wanaagsan oo ku saabsan sida haweenay muslimad ah ugu dadaali karto diinta, cibaadada iyo ilaalinta aqoonta. Waxaa laga wariyay axaadiis muhiima oo muujinaya aqoonteeda iyo doorkeeda bulshada Mu'miniinta ay ku lahayd.
GUNAANAD:
Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab rc waa mid kamida haweenkii doorka wayn kasoo qaatay faafinta diinta islaamka. Waxay lahayd dabeecad wanaagsan, caqli iyo dadaal joogta ah oo ay ku bixiso diinta islaamka. Waa hooya kamida hooyooyinka mu'Miniinta oo tusaala muhiim u ah dumarka si ay uga daydaan Akhlaaqdeeda, cibaadadeeda iyo dhamaan hab dhaqamadii xafsa ay ku sifaysnayd rc.
Xafsa waxay door muhiima kasoo qaadatay ilaalinta Qur’aanka kariimka gaar ahaan markii la qorayay qura'anka, maadaama loo dhiibay nuqulkii ugu horeeyay ee qura'anka. Tani waxay cadayn utahay sida masuuliyada leh ee ay xafsa uga qaadatay doorkeeda diinta islaamka.
Guurkii nabiga ee xafsa waxa uu ahaa sharaf wayn oo lagu tilmaami karo xafsa, maadama ay noqotay mid kamida xaasaskii rasuulka SCW. Ayadoo guurka nabiga uhorseeday xafsa inay nabiga SCW ka barato cilmi badan sida qura'anka iyo axdiista ay nabiga ka warisay taasoo horseeday inay yeelato aqoon dheeraad ah.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته.
Halkaan kasii aqriso maqaalo kale:
https://www.jidkaguusha.site/2024/12/maxaad-ka-taqaanaa-saxaabiga-wayn-ee.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/12/waa-maxay-baryada-alle-swt.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/11/waa-tuma-hooyadii-muminiinta-caaisha.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-taariikhda-cajiibka-ah-ee.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-hab-nololeedkii.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/09/taariikhda-hooyadeen-khadiija.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-hab-nololeedkii.html.