Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee
Magaca duco/Baryo |
HORDHAC:
Ducadu waa xidhiidhka koowaad ee alle iyo adoonkiisa udhaxeeyo. Waa caqiida muhiima oo qofka dhaxalsiisa dadka muslimiinta ah xidhiidh qota dheer oo ximbaarsan jacayl, rajo galin iyo ku tiirsanaan alle swt. Aayadaha qura'anka iyo axaadiista xabiibkeena muxamad SCw waxay nagu dhiirigaliyeen muhiimada wayn oo ay leedahay in si joogta ah loo baryo eebe Swt. Maqaalkaan waxaan uga faaloon doonaa waa maxay duco? Qura'anka kariimka iyo sunada nabiga say uga hadleen ducada ? Yaa laga aqbalaa ducada? Waa maxay tilmaamaha wanaagsan ee ducada? Iyo waxyaabo badan oo aynu si qotadheer uga hadli doono.
WAA MAXAY DUCO/ BARYO:
Duco waa baryo qofku allah ku waydiisanayo wax kasta oo uu doonayo sida: hanuun, cafis, caafimaad iyo wax kastoo aad ubaahantahay. Waa astaan cibaado oo dadka muslimiinta ah ku muujiyaan jacaylka iyo kalsoonida ay ku qabaan alle swt. Ducadu kaliya ma aha inaad eebe wax waydiisato balse waa wado uu qofka ugu dhawaanayo alle swt. Allah SWT waxuu qura'anka kariimka ku leeyahay "[ IBARYA WAAN IDIN AJIIbayaa ] aayadaan waxay muujinaysaa sida ducada utahay qayb muhiima oo cibaadada laf dhabar u ah. Qofka ducada badiya eebe ayaa jeclaada. Sidookle aayada waxay na tusaysaa inaad eebe toos uwaydiisato waxaad doonayso.
QURA'ANKA IYO DUCADA:
Qura'anka kariimka waxaa ku jira tusaalooyin farabadan oo ku saabsan ducada iyo doorka nolaleed ee qofka muslimka ah. Waxa uu tilmaamay sida anbiyadii hore iyo muslimiintii hore ay allah ugu dhawaan jirewn ayagoo ducada adeegsanayo . Waxaan soo qaadanaynaa tusaalayaashaas qaar kamida :
Ducadii nabi aadam cs:
Markii nabi aadam iyo xawa ay qalad sameeyeen oo janada ku danbaabeen waxay eebe ka baryewn cafis iyo danbi dhaaf ducadooduna waxay ahayd saan:
[ ربنا ظلمنا أنفسنا وأن لم تغفرلنا وترحمنا لنكونن من الخاسرين] . Aayadaan oo micnaheedu yahay [ eeboow waan dulminay nafteena, hadii aadan noo danbi dhaafin oo aadan noo naxariisan waxaan kamid noqon doonaa kuwa khasaaray ]. Suurad al_ acraaf aayada : 23.
Ducadii nabi Ibraahim cs:
Nabi Ibraahim Cs waxa uu alle ka baryay asaga iyo caruurtiisa inuu kadhigo kuwo alle uhogaansan . Ducadana waxay ahayd sidaan: [ Eeboow iga yeel mid kuu hogaansan, caruurtaydana kayeel kuwa kuu hogaansan ] suurad baqara aayada : 128 aad.
Ducadaan waxay muujinaysaa sida qofka iyo qoyska eebe ugu dhawaan karaan baryada eebe swt.
DUCADA MUSLIMIINTA QURA'ANKA LAGU BARAY:
Mid kamida ducooyinka ugu caansan ee qura'anka kariimka ku soo arooray waxaa kamida : [ eeboow nagu sii wanaag aduunyada, nagu sii wanaag aakhiro, oo naga badbaadi cadabta naarta ]. Suurad baqara:201.
Ducadaan waxay tusaale utahay in umada muslimiinta eebe waysdiisan karaan wax kasta oo kusaabsan aduun iyo aakhiro labadaba.
Sunadii nabiga SCW iyo ducada:
Rasuulka Scw waxa uu ahaa mid joogteeya kuna booriya dadka muslimiinta inay eebe baryaan . Axaadiis badan ayaa tilmaamaya fadliga wayn ee ay leedahay in eebe la abaryo iyo hababka ugu wanaagsan ee loo ducaysto.
GOOBAHA IYO WAQTIYADA DUCADA LA AQBALO:
Goobaha ducada lagu aqbalo:
1. MASAAJIDA: Masaajida waa meelaha ugu waawayn cibaadada waana meelaha lagu oogo mid kamida tiirarka islaamka oo ah salaada waxaana ku jiro sujuud oo nabiga SCW uu yiri " [ Marka uu adoonka ugu dhawyahay rabigii waa marka uu sujuudsanyahay ee badiya ducada ] .
2. MASJID AL_XARAMAYN [ kacbada]: waa meeaha ugu barakaysan dhulka islaamka, ducada waxaa si gaara loogu aqbalaa markaa ku guda jirto dhawaafka.
3. MASJID NABAWI: Meelaha ku xeeran qabriga nabiga SCW iyo masjidkiisab waxaa lagu aqbalaa ducooyinka.
Waqtiyada ducada la aqbalo:
1. SALAADAHA WAAJIBKAA KADIB: Markii salaadha waajibkaa la tukado kadib waxaa la aqbalaa ducada waxaana haboon inaad xiligaan eebe barido.
2. XILIGA AAD SUJUUDSANTAHY: Xiliga lagu guda juro sujuuda sida uu xabiibkeena noosheegay waa xiliga uu adoonku aad ugu dhawyahay waxaana la aqbalaa baryada.
3. INTA UDHAXAYSO ADINKA IYO AQINKA: waqtigaan waa muhiim inaad ducaysato ducadana waa la aqbalaa.
4. MAALINTA JIMCAHA: Maalinta jimcaha gaar ahaan waqtiyada danbe ee maalintaan waxaa ku jiro saacado qiima badan oo ducada la aqbalo.
5. SAQDA DHAXE EE HABEENKII: [ qiyaamu_laylka] xiliga saqda dhaxe ee habeenkii gaar ahaan waqtiyda danbe waa waqtiga uu eeba dhahayo [ ayaa ibaryayo oo aan aqbalaa, ayaa danbi dhaaf iwaydiisanayo oo aan udanbi dhaafaa ] waana xili ducadu aqbal tahay.
6. MAALINTA CARAFO: waa maalmo dadka xujayda ah oo xajka joogo ay aad ucibaadaysanayaan, waana maalin si gaara ducada loo aqbalo.
7. MARKA UU ROOBKA DA'AYO: xiligaan waa xili muhiima oo ducada la aqbalo.
8. MARKA UU QOFKA SOOMANYAHAY: Ducada qofka sooman waa la aqbalaa gaar ahaan xiliga afurka markuu qofka alle baryo.
SHURUUDAHA DUCADA LAGU AQBALO:
Si ducadaada unoqoto mid la aqbalo shuruudahaan hoos ku qoran raac.
1. IIMAAN IYO YAQIIN DHABA: Marka aad eeba baryayso waa meesha ugu muhiimsan marka aad alle baryayso la imaaw yaqiin dhaba iyo in eebe kaa aqbali baryadaada.
2. CUNTO IYO XOOLO XALAAL AH: waxa aad cunayso waxay xidhiidh la leedahay baryada aad eebe bariday waayo nabigeena ayaa noo sheegay qofka aan xalaal cunka ahayn ama waxa uu xidhanayo dhar ahaan aanan ducadiisa la aqbalin, taas cagsigeeda qofkii ilaaliyo wuxuu cunayo ducadiisa waa la aqbalaa.
3. JOOGTAYNTA DUCADA: inaad daa'imto baryada alle oo aad ku celcelisaa waxay keenee in ducadaada la aqbalo.
FADLIGA DUCADA JOOGTADA AH:
Ducada joogtada ah waxay leedahay faa'iidooyin badan waxaana ka mid ah:
1. XIDHIIDH DHAW OO AAD EEBE LA YEELATO: Ducadu waxay xusuusinaysaa qofka inuu inuu leeyahay eebe naxariis badan oo ajiibaya ducadaada.
2. NIYAD DAGAN: qofka ducada badan waxa uu hadiyo jeer yahay qof dagan oo xasiloon xitaa xiliyada dhibaatooyinka haystaan.
3. XOOJINTA IIMAANKA: Markii uu qofka alle ducada ka aqbalo waxuu ziyaadsadaa iimaan waxaana uu badiyaa mahdinta alle swt.
TALOOYIN KUSAABSAN SIDA LOO DUCAYSTA:
1. KU BILOW MAHAD CELIN IYO SALIGA NABIGA: Waa inaad ducadaada ku bilowdaa mahad naqa eebe iyo saliga xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
2. KU CELCELI DUCADA: waa muhiim inaad hadiyo jeer ducadaada ku celceliso si uu allah u aqbalo ducadaada hana ka quusan alle swt.
GABO GABO:
Ducada waa halbowlaha qofka muslimkaa, waa dariiqo uu qofka ku gaadhayo jacaylka alle iyo udhawaanshihiisa. Ducadu waa inaad alle waydiisataa wax walbaa oo ku saabsan arimahaaga aduunyo iyo aakhiro. Sidaa darteed waxaa haboon in dadka muslimiinta badiyaan baryada alle swt sidookle waxaa jiro ducooyin si gaara loo aqbalo hadaa ku ducaysato oo ka sugnaaday rasuulka SCW waana inaad badisaa iyaga. Waxyaabaha ugu muhiimsan ducada waa inaad si joogta ah ubaridaa eebe oo aanad ka quusan alle waayo waa naxariis badane aduunkiisa jecel inuu ajiibo fucadiisa.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته.
Halkaan kasii aqriso maqaalo kale oo cajiiba:
https://www.jidkaguusha.site/2024/11/waa-tuma-hooyadii-muminiinta-caaisha.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/11/suaalo-iyo-jawaabo-diini-ah-qaybtii.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-taariikhda-cajiibka-ah-ee.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-hab-nololeedkii.html.
https://www.jidkaguusha.site/2024/09/taariikhda-hooyadeen-khadiija.html.
https://youtu.be/eR8L8HHgQJk?si=z2WQb8T9qBla31D4.
https://youtu.be/lAyma0DnQ8w?si=6fELMCDS9kyV5K6S.