MAXAAD KA TAQAANAA SAXAABIGA WAYN EE CUSMAAN BINU CAFAAN

 Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee 

Magaca saxaabiga Cusmaan 


           HORDHAC:                               

Cusmaan binu cafaan waa mid kamida saxaabada nabi muxamad NNKH gaar ahaan  [KHULAFAA'U_RAASHIDIIN] iyo waliba tobankii saxaabi ee janada loogu bishaareeyay ayagoo nool. Cusmaan binu cafaan RC waxa uu ahaa mid ku caan baxay cibaado, samafal iyo maamul hufan ee uu higaanka islaamka kusoo kordhiyay. Waxa uu ahaa khaliifkii sedaxaad ee muslimiinta waxa uuna ahaa mid lagu yaqaanay dulqaadka iyo inuusan marnaba  ka leexan xaqa. Nolashiisii oo dhamaystiran waxaa kamida inuu ahaa tusaalaha muslimiinta waxaana mudan in looga daydo go'aan qaadashada iyo deeqsinimada. Waxaan maqaalkaan ku falanqayn doonaa haduu eebe idmo saxaabigaan wayn taariikhdiisa oo dhamaystiran. 


ASALKII CUSHMAN IYO QOYSKII UU KA DHASHAY:

Cusmaan waxa uu ku dhashay magaalada makah al_mukaramah sanadkii [ 574] milaadiga. Qoyska uu ka soo jeeday waxa uu ka tirsanaa qabiilka quraysh, gaarahaan faraca binu_umaya, oo caan ku ahaa hantida iyo maamulka. Aabihiis CAFAAN BINU AL_CAAS, wuxuu ahaa ganacsade caan ah, halka hooyadii ARWAA BINTU KURAYZ ay ahayd mid sharaf iyo sumcad ku dhax leh quraysh dhaxdooda.

Cusmaan binu cafaan waxa uu ahaa mid quruxbadan oo leh dabeecad wanaagsan, taas oo keentay in dadka badankood ay jeclaadaan sidookle waxa uu ahaa Cusmaan mid nadaafada jecel oo markastaa nadiif ah.


ISLAAMIDII CUSMAAN BINU CAFAAN RC: 

Cusmaan waxa uu kamid noqday dadkii ugu horeeyay ee qaata diinta islaamka kadib markii uu Abuubakar sidiiq rc ku cazuumay inuu qaato diinta waxa uu si dagdaga u aqbalay, asaga oo durbaba u arakay diinta islaamka mid xaqa oo hanuun ah.

Qaabka uu uqaatay diinta iyo go'aankiisa geesinimada leh ayaa ka yaabisay reer quraysh. Si kastaba ha ahaatee waxa uu la kulmay Cusmaan cadaadis iyo dhibaatooyin uga yimi reer quraysh, hasayeeshee marnaba ma uusan ka laaban qaadashada diinta islaamka. 


GUURKII CUSHMAN EE LABADII GABDHOOD EE NABIGA SCW:

Cusmaan binu cafaan RC waxa uu ahaa saxaabiga kaliya ee guursaday laba gabdhood oo uu dhalay nabiga SCW waxayna kala ahaayeen gabdhaha:

  • RUQAYAH BINTU_MAXAMED:  Waa mid kamida gabdhaha nabigeena muxamad SCw waxaa guursaday Cusmaan rc waxay wada joogeen markii nabiga maka uu joogay iyo markii uu madiina usoo haajiray labadaba. Waxay geeriyootay dagaalkii badar. 
UMUL_KALTUUM BINTU MUXAMAD:  Kadib geeridii ruqayah waxa uu guursaday Cusmaan rc UMUL_KALTUUM. Kadib markii ay geeriyootay nabiga SCW waxa uu yiri ["  Hadii aan gabadh sedaxaad lahaan lahaa waan kuu guurin laha Cusmaan"]. Tani waxay muujinaysaa karaamada wayn ee Cusmaan rc uu nabiga agtiisa ku lahaa.


SAMAFALKII IYO DEEQSINIMADII CUSMAAN RC:

Samafalaka Cusmaan binu cafaan waa mid ka muuqato taariikhdiisa oo dhan. Waxaa kamaida dhacdooyinkii waawaynaa ee taariikhda ugalay kuwan soo socda:

1. CEELKA ROOMA: Markii muslimiinta ay biyo la'aanta ka cabanayeen, wuxuu iibsaday ceelka oo ku yaala magaalada madiina, wuxuuna ugu deeqay muslimiinta si ay uga cabaan si bilaasha.

2. BALAADHINTII MASJIDKA NABIGA: Markii muslimiinta ay kusoo badanayeen magaalada madiina, masjidka nabiga SCW ayaa noqday mid cidhiidhiya. Cusmaan waxa uu maqlay in loo baahanyahay in la balaadhiyo masjidka,wuxuuna bilaabay inuu iibsado guri ku hareeraysnaa masjidka, asagoo ka bixiyay hanti badan. Dhulkaas ayuu ugu deeqay masjidka si loo balaadhiyo, taas oo masjidka ka dhigtay mid waasac ah oo ay muslimiinta ku cibaadaystaan.

3. TAAGEERIDA MASAAKIINTA IYO AGOONTA: Cusmaan binu cafaan RC waxa uu ahaa mid mar walba garab istaag umuujiya masaakiinta, agoonta iyo kuwa liita. Wuxuu si joogta ah ugu caawin jiray CUNTO, DHAR iyo lacago, dadka aan haysan waxay ku noolaadaan. Deeqsinimada Cusmaan ma aha mid waqtiyo gaar ah laakiin waa samafal joogta ah.


CIBAADADII IYO AKHLAAQDII CUSHMAN IBNU_CAFAAN:

Cusmaan binu cafaan RC waxa uu ahaa mid lagu yaqaanay cibaado badan. Waxaa caado u ahayd inuu badsado Soonka, aqrinta quraanka, iyo salaadaha habeenkii. Waxaa lasheegaa inuu qura'anka ku aqrin jiray hal habeen qudha, asagoo ku akhrinaya khushuuc iyo oohin.

Markii uu qura'anka aqrinayo waxa uu ahaa mid ilmeeya oo qalbigiisa jilicsanyahay. Akhlaaqdiisa suuban iyo deeqsinimadiisu waxay ahayd mid ku dayasho mudan oo muslimiinta ku dhiirigalinayso inay falaan sidaa oo kale.


KHILAAFADII CUSMAAN RC: 

Sanadkii 644 TII milaadiga, Cusmaan waxa uu noqday khaliifkii sedaxaad ee muslimiinta kadib geeridii CUMAR BINU_KHADHAAB rc. Xiligiisa waxaa dhaacay isbadalo muhiim ah:

1. MIDAYNTA QURA'ANKA KARIIMKA: Si looga hortago khilaafaadka ku saabsan aqrinta quraanka kariimka ah. Cusmaan waxa uu amray in la diyaariyo nuqulo rasmi ah oo qura'anka ah, kuwaas oo loo diray dhamaan gobolada islaamka. 

2. BALAADHINTA DOWLADA  ISLAAMKA: intii uu khilaafada hayay, dowlada islaamka waxay ku fiday dhulal balaadhan, oo ay ka mid yihiin dhulka hada loo yaqaano ARMENIA, AZERBAIJAN iyo qaybo kamida IRan.

3. MAAMULKA IYO DHAQAALAHA: Cusmaan waxa uu xoojiyay nidaamka maamulka iyo dhaqaalaha, asga oo hirgaliyay adeegyo ay dadka muslimiinta ubaahnaayeen.


FIDNADII IYO SHAHIIDNIMADII CUSHMAN IBNU_CAFAAN RC:

Sanadihii danbe ee khilaafadiisa, waxaa soo baxday fidno ka dhalatay Arimo siyaasadeed iyo khilaafaad goboleed. Koox fidno doonayaal ah ayaa ugu danbayn hareereeyay gurigiisa, ayagoo dalbanayay inuu xilka ka Dago. Inkastoo uu lahaa awood ciidan oo uu naftiisa ku difaaco, wuxuu doortay inuu dhiig daadinin.

Waxaa la dilay asagoo qura'an akhrinayo, dhiigiisuna wuxuu ku dul daatay Musxafka qura'anka. Dilkiisu wuxuu calaamad unoqday geesinimo, dulqaad iyo daacadnimo uu uqabay muslimiinta. 


KARAAMOOYINKII CUSMAAN:

1. DU_ NUURAYN: waxaa lagu naanaysi jiray cusmaan sabata keentayna waxay ahayd inuu guursaday gabadii gabdhood ee nabiga SCW. Waxayna ahayd Tani karaamo wayn.

2. JANADA OO LOOGU BISHAAREEYAY: Cusmaan binu cafaan ayaa kamid ah tobankii saxaabi ee janada loogu bishaareeyay iyagoo nool. Nabiga SCW ayaa si cad usheegay inuu Cusmaan janada gali doono, asgoo ahaa mid cibaado badan, deeqsinimo leh oo diinta islaamka u huray naf iyo maal labadaba.

3. HAYBAD IYO XISHOOD GAARA: Cusmaan binu cafaan RC waxa uu ahaa saxaabi aad u xishood badan ilaa uu ka marag kacay nabiga SCW. Waxaa la wariyaa in nabiga yiri " [ Miyaanan ka xishoonayn,midka ay malaa'igta ka xishaatay"] Tani waxay muujinaysaa karaamadiisa iyo akhlaaqdii wanaagsanayd oo islaamka booriyay inuu ku sifoobay Cusmaan. 

Waxaa jiro karaabooyin badan oo uu lahaa Cusmaan binu cafaan RC waxaanu kasoo qaadanay kuwa sare noogu xusan.


GABAGABADA MAQAALKA:

Cusmaan binu cafaan RC waxa uu ahaa saxaabi kaalin wayn kasoo qaatay hirgalinta iyo hormarinta islaamka. Nolashiisii iyo geeridiisii waxa ay astaan u ahaayeen DULQAAD, SAMAFAL IYO HOGAAMIN WANAAGSAN. Cusmaan waxa uu mudanyahay in ay ku daystaan dhaan muslimiinta iyo sidii uu naftiisa ugu soo huray diinta islaamka. Taariikdiisu waxay tusaala utahaay qofkii doonayo inuu ku noolaado nolal sharaf iyo karaamo leh iyo raaligalinta alle swt. 


وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته. 

HALKAAN KA AQRISO MAQAALO KALE OO XIISO LEH:























Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post