SU'AALO IYO JAWAABO DIINI AH [ QAYBTII LABAAD]

 Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee 



Su'aalo iyo jwaabo qaybtii 2aad:

1. Sheeg qoomkii loo diray nabi hund cs?

Jwb:  waxay ahaayeen REER CAAD.

2. Imisa jeer ayaa wax dhintay oo lasoo noolaysiiyay lagu sheegay suuratul_baqarah?

Jwb:  waxaa lagu sheegay afar jeer [4] Mar.

3. Waa kuma saxaabigii la oran jiray turmumaankii qura'anka?

Jwb: saxaabigaa waa CABDULLAHI BINU CABAAS.

4. Sheeg dagaalkii uu ku shahiiday saxaabiga muscab binu cumayr?

Jwb: waa dagaalkii uxud.

5. Waa imisa nisaabka geela looga rabo zakada?

Jwb: waa shan [5] geela.

6. Sheeg saxaabigii uu nabiga SCW udiray yeman?

Jwb: waxa uu ahaa MUCAAD BINU JABAL.

7. Waa imisa nisaabka dahabka zakada looga bixiyo?

Jwb: Waa 85 GARAM.

8. Imisay ahaayeen kowkabyadii uu ku riyooday nabi yuusuf cs?

Jwb: Waxay ahaayeen kow iyo toban [11].

9. Waa tuma haweenaydii uhoraysay ee ushahiido alle dartiis?

Jwb: waxay ahayd SUMAYA BINTU KHIYAADH.

10. Waa tuma haweentii ugu horaysay ee quraysh oo soo haajirto?

Jwb: waxay ahayd RUQAYAH BINTU_MAXAMED.

11. Sheeg imisa sano ayuu qura'anka soo dagayay?

Jwb: waxa uu soo dagayay labaatan iyo sano [23].

12. Sheeg saxaabigii lagu magacaabi jiray sayidul quraa?

Jwb: Ubayi binu kacab.

13. Sheeg magaca gabadhii muslimada ahayd ee fircoon xaaskiisa ahayd?

Jwb: Aasiya bintu muzahim.

14. Sheeg suurada kaliya oo ayadoo dhamaystirin soo wada  dagatay?

Jwb: Suurat ancaam.

15. Waa tuma suuradii ugu danbaysay ee soo dagtay?

Jwb: Waa suurat AL_NASRI.

16. Sheeg magaca saxaabigii uu kusoo dagay nabigeena scw markuu kasoo hijrooday maka ee uu madiina yimid ?

Jwb: Waxa uu ahaa ABUU AYUUB AL_ANSAARI.

17. Imisa sano ayay godka ku jireen asxaabul_kahfi ?

Jwb: Waxay ku jireen 309 .

18. Sheeg saxaabigii dilay aabihii oo gaal ah dagaalkii badar ?

Jwb: Wuxuu ahaa abuu cubayda caamir binu jaraax.

19. Waa kuma saxaabigii arkay masiixu_dajaal ?

Jwb: Wuxuu ahaa Tamiim binu aws.

20. Sheeg saxaabigii geeridiisu soo dageen 70,000 oo malag ?

Jwb: Saxaabigaas waa Sacad binu mucaad.

21. Sheeg saxaabigii ugu horeeyay ee u hijrooda dhulka xabashada ?

Jwb : Waxa uu ahaa Cismaan binu cafaan.

22. Sheeg ninka kaliya ee nabiga SCW gacantiisa ku dilay ?

Jwb: Waxa uu ahaa Ubaya binu khalaf.

23. Waa kuma saxaabigii ugu ee loo diro magaalada madiina si uu dadka ubaro qura'anka ?

Jwb: Waxa uu aha muscab binu cumayr.

24. Imisa sano ayay dacwadu qarsoodi ku socotay ?

Jwb: waxay qarsoodi ahayd Sedex [3] sano.

25. Sheeg saxaabigii ugu horeeyay ee islaamnimo ku shahiido ?

Jwb:  Waxa uu ahaa Camaar binu yaasir.

26. Waa tuma haweenaydii uu nabiga NNKH qamiiskiisa ku duugay ?

Jwb: Waa Faaduma bintu Asad.

27. Sheeg saxaabigii sunta cabay hadana waxba aysan ka dhimin ?

Jwb: Waxa uu ahaa Khaalid binu waliid. 

28. Sheeg saxaabigii aan waligii tukan kana mid noqday ahlu_ janaha ?

Jwb: Wuxuu ahaa Cumar binu taabit.

29. Sheeg saxaabiyadii ugu horaysay ee dishay qof gaal ah ?

Jwb: Waa Safiya bintu cabdi mudalib. [ NABIGEENA SCW EEDADIIS].

30. Sheeg saxaabigii hogaaminayay dagaalkii yarmuuk ?

Jwb: Waa Khaalid binu waliid. 

31. Sheeg qaadimkii nabi muuse cs  ?

Jwb:  Waa Yuushac.

32. Sheeg magaca samada koowaad ?

Jwb : Waxaa layiraa Rafiica.

33. Sheeg sanadkii uu soo islaamay cumar binu_khadhaab  ? 

Jwb: Waa sanadkii 6aad ee nabinimada.

34. Sheeg ninkii ugu horeeyay ee muslimiinta salaad jimca ah tujiya ?

Jwb:  Waxa uu ahaa Sacad binu suraara.

35.  Sheeg goortuu dhacay dagaalii badar ?

Jwb:  Waxa uu dhacay 17 dii ramadaan sanadkii 2aad ee hijriyada.

36. Sheeg magaca samada labaad loo yaqaano ?

Jwb:  Waxaa loo yaqaanaa Maacuun.

37. Imisa sano ayay boqortooyadii nabi Sulaymaan dhisnayd ?

Jwb: Waxay dhisnayd Afartan [40] sano.

38. Sheeg labadii nabi ee walaalaha aha ee isku mar la diray  ? isku qoomna loo diray  ?

Jwb:  Waa Nabi Muuse iyo Nabi haaruun cs.

39. Sheeg ninkii ugu horeeyay ee sameeyay canbuur bireedka dagaalka ?

Jwb: Waxa uu ahaa Nabi daa'uud Cs.

40. Sheeg ninkii nabinimada sheegtay markii uu noolaa nabiga SCW  ?

Jwb: Waxa uu ahaa Musaylamatul_kadaab.

41. Waa kuma saxaabigii bilaabay taariikhda hijriyada  islaamka ?

Jwb: Waxa uu ahaa Cumar binu khadhaab.

42. Sheeg sanadkii la oofsaday xabiibkeena muxamad SCw  ?

Jwb: wuxuu ahaa sanadkii 11 aad ee hijriyada islaamka. 

43. Sheeg nabigii xanuunsanaa 18 sano ?

Jwb: Waxa uu ahaa Nabi ayuub Cs.

44. Sheeg halkeebuu ku aasanyahay nabi ismaaciil cs ?

Jwb: Waxa uu ku aasanyahay Magaalada maka al_mukaramah. 

45. Sheeg saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhashay magaalada madiina isagoo muhaajir ah ?

Jwb: Waxa uu ahaa Cabdullahi ibnu Zubayr.

46. Sheeg magaca Cabdullahi ibnu Zubayr hooyadii ?

Jwb: Waxay ahayd Asmaa Bintu abiibakar .

47. Imisa jirbay ahayd Asmaa Bintu abiibakar markay geeriyoonaysay ?

Jwb : Waxay jirtay 100 [boqol] sano.

48. Kumuu ahaa yahuudkii sixray xabiibkeena muxamad SCw  ?

Jwb: Waxa uu ahaa Lubayd binu Acsam.

49. Sheeg ninkii jabiyay dhooshii xabiibkeena muxamad SCw dagaalkii uxud ?

Jwb: Waxa uu ahaa Cuqba binu cabdi waqaas.

50. Sheeg gabadhii uu eebe uwaxyooday ?

Jwb: Waxay ahayd nabi muuse hooyadi cs.

51. Sheeg magaalada aan cudurka daacuunka galin ?

Jwb: Waa magaalada Madiina. 

52. Sheeg suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo cumar binu_khadhaab  ?

Jwb: Waa suurat Dhaahaa.

53. Sheeg magaca Malaga  suurta afuufayo ?

Jwb: Malagaasi waa Israafiil.

54. Sheeg albaabka ay dadka sooman ka gali doonaan janada magiciisa  ?

Jwb:  Waa Baabu rayaan.

55. Imisa adeer ayuu lahaa xabiibkeena muxamad SCw  ?

Jwb: Waxa uu lahaa Toban [10] adeer.

56. Sheeg magaca hooyada Khaalid binu waliid  ?

Jwb: Waxaa la oranjiray Asmaa Bintu xaarith.

57. Imisa eedo ayuu lahaa nabigeena muxamad SCw  ?

Jwb: Waxa uu lahaa Lix [6] eedo.

58. Goormaa ayaa la waajibiyay sakaatul fidriga ?

Jwb: Wxaa la waajibiyay sanadkii 2aad ee hijriyada islaamka. 

59. Waa kuma shuhadada madaxdooda ?

Jwb: Waxa uu ahaa Xamza Binu Cabdi mudhalib.

60. Sheeg nabigii asaga oo nool dabka lagu tuuray balse aysan waxba ka tarin ?

Jwb: Waxa uu ahaa Nabi Ibraahim Cs.

61. Sheeg magacii nabi ismaaciil hooyadii ?

Jwb: Waxay ahayd Haajara.

62. Sheeg magaca Malaga janada furaheeda haya ?

Jwb: Waa Ridwaan.

63. Sheeg magaca Malaga naarta furaheeda haya ?

Jwb: Waa Maalik.

64. Sheeg magacyada labada malag ee amaasha qofka qorta ?

Jwb: Waa Raqiib iyo Catiid.

65. Imisa wiil ayuu dhalay nabi yacquub Cs ?

Jwb: Waxa uu dhalay 12 wiil.

66. Goormee ayaa la dheelmiyay rasuulkeena scw ?

Jwb: Waxaa la dheelmiyay 27 Rajab.

67. Sheeg duulaankii uu ku geeriyooday saxaabiga wayn ee muscab binu cumayr  ?

Jwb: Waxa uu ku geeriyooday Duulaankii Uxud.

68. Imisa jeer ayaa qura'anka lagu sheegay erayga adunyaa ?

Jwb: Waxaa lagu sheegay 115 jeer.

69. Waa imisa bilaha xurmada leh ?

Jwb: Bilaha xurmada leh waa Afar [4]bil.

70. Kumuu ahaa khaadimkii nabigeena muxamad SCw  ? 

Jwb: Waxa uu ahaa Anas binu Maalik rc.


وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته. 

Halkaan ka aqriso maqaalo kale:


 https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-taariikhda-cajiibka-ah-ee.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/09/taariikhda-hooyadeen-khadiija.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/08/maxaad-ka-ogtahay-fadliga-saliga.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/09/waakuma-saxaabiga-jaliilka-ah-ee.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/09/suaalo-iyo-jawaabo-diini-ah.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/09/quraanka-mala-nooshahay.html.


https://www.jidkaguusha.site/2024/10/wax-ka-ogoow-hab-nololeedkii.html.













Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post