Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
CUMAR BINU_KHADHAAB |
Hordhac:
Cumar binu_khadhaab waa mid kamid ah saxaabada ugu waawayn ee nabiga SCW iyo khaliifkii labaad ee muslimiinta kadib geeridii nabi muxamad NNKH. Magaciisa oo buuxo waa cumar binu_khadhaab binu nufayl al_quraysh. Wuxuuna ku dhashay magaalada maka sanadkii 584 tii milaadiga. Waxaana lagu yaqaanay cumar cadaalad iyo waliba hogaamin wanaagsan. Markii hore cumar waxa uu kamid ahaa kuwa ugu cad cad ee kasoo horjeeda diinta islaamka, asagoo ladagaalamay fidinta diinta. Laakiin markii uu aqriyay aayado kamida qura'anka kariimka ayaa alle qalbigiisa jilciyay hanuuna la doonay oo islamarkiiba wuu islaamay cumar. Islaamnimadiisa
Ayaa latimid xoog iyo waliba quwad cusub oo muslimiinta uhorseeday guula waawayn.
Dhalashadii iyo dhalinyaranimadii cumar (rc):
Cumar binu_khadhaab waxa uu ku dhashay magaalada maka sanadkii 584 milaadiga. Waxa uuna kadhashay qabiil kamida reer qurashay oo ahaa REER BANUU CADI. Qoyskiisu waxay ahaayeen kuwa dhaqaale wanaagsan leh, waxaana loo yaqaanay ganacsato iyo hogaamiyayaal Caan ah magaalada maka. Cumar intuu dhalinyarada ahaa wuxuu Caan ku noqday xoog iyo geesinimo. Islaamnimadiisii ka hor waxa uu ahaa mid had iyo jeer difaaca Sanam caabudida iyo dhaqamadii hore ii jaahiliga.
Cumar iyo islaamnimadiisii:
Markii ugu horaysay cumar waxa uu ahaa mid si aada uga soo horjeeda diinta islaamka. Waxa uu muslimiinta u arkayay kuwa Khatar ku ah bulshada reer maka, kuwaas oo baabi'inaya dhaqankii soo jireenka ahaa ee Sanam caabudida iyo midnimada reer quraysh.waxuu ka mid ahaa ragii ugu xooga badnaa ee uhiiliyay quraysh, si joogta ahna waxa uu udhibaatayn jiray muslimiinta. Waxaa jirto dhacdooyin laga soo wariyay kahor iyo kadib islaanimadii cumar waxaa kamida: in maalim maalmaha ka mida uu go'aansaday cumar inuu dilo nabiga SCW, hasa yeeshee intii uu usoo socday gurigii nabiga SCW warkii ugu horeeyay uu maqlaa waxay ahayd inay islaamtay Walaashiis faaduma iyo ninkeegii zayid, cumar oo caraysan ayaa isla markiiba yimid guriga walaashiis faaduma halkaas oo uu ku arkay ayadoo aqrinayso qura'anka kariimka. Markii uu ku qancay aayadihii qura'anka ee lagu aqriyay qalbigiisa ayaa jilcay wuxuuna garwaaqsaday ru nuntii islaamka isla maalinkaas wuxuu aaday gurigii nabiga SCW si uu uqiro kalimada towxiidka taasoo keentay in ay muslimiinta aad ugu farxaan soo islaamida cumar binu_khadhaab. Sidookle nabiga SCW ayaa uduceeyay cumar soo islaamidiisii ka hor sida ku cad xadiika uu wariyay Cabdullahi ibnu cumar iyo waliba saxaaba kle nabiga waxa uu alle ka baryay inuu islaamka ku xoojoyo laba midkood cumar binu_khadhaab ama abuu jahal. Ducada ayaa saan ahaayd xadiiska ku jirtay: [ ALLOW ISLAAMKA KU XOOJI LABA NIN MIDKaad AAD UJECESHAHAY abuujahal ama cumar binu_khadhaab. Alle swt waa uu aqbalay ducadii nabiga SCW waxaana islaamay cumar waxayna ahayd dhacdo wayn oo muslimiinta farxad galisa islaamkana fiditaankiisa xoojisay cumar binu_khadhaab ayaa ahaa mid difaaca muslimiinta asagoo ku caanbaxay geesinimo iyo dhiiranaan. Nabiga SCW ayaa ubixiyay magac cumar oo ahaa [ AL_FAARUUQ] taas oo muujinayso inuu cumar ahaa mid kala sooca xaqa iyo baadhilka.
CADAALADII CUMAR:
Mid kamid ah astaamihii ugu waawaynaa ee lagu yaqaanay cumar binu_khadhaab [RC] waxaa kamid ahaa cadaalada iyo sida uu ugu adkaysiga badnaa ilaalinta xuquuqda dadka kale. Waxa uu aad u ilaalin jiray danyarta iyo waliba kuwa jilicsan ee muslimiinta kamid ah. Marar badan waxaa lagu xasuusantaa cumar xalinta dhibaatooyin iyo ukaalmaynta dadka fuqarada ah iyo unaxariisashada agoonta. Cumar waa tusaalaha dhabta ah cadaalada intii dunida soo martay.
Ka qayb galkii dagaaladii islaamka ee cumar [RC]:
Markii uu cumar soo islaamay waxuu isla markiiba ka qayb qaatay dhamaan dagaaladii waawaynaa ee muslimiinta. Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa qof si xoog leh uga shaqeeyay difaaca diinta iyo ilaalinta xaqa. Dagaaladii uu ka qayb galay cumar waxaa kamida: UXUD,BADAR IYO KHANDAQ iyo waliba kuwa kale cumar waxa uu kamid ahaa dagaalyahanadii hormuudka u ahaa guulihii muslimiinta. Waxa uu ahaa midaan ka gaban xaqa sheegodiisa iyo difaacida diinta islaamka. Dhiiranaanta iyo hogaamintiisa ayaa kalsooni ku abuurtay muslimiinta. Waxayna tani tusaala u ahayd saamaynta ay leedahay in uu qofka ku dhagnaado xaqa iyo cadaalada. Cumar waxa uu ka qayb qaatay xiliyo adag oo ay soo mareen mulimiinta asagoo ka qayb galay dagaalo badan.
Hogaamiyanimadii iyo khilaafadii cumar:
Kadib markii uu geeriyooday khaliifkii koowaad ee muslimiinta abuubakar sadiiq [RC] sanadkii 634 ee milaadiga cumar binu_khadhaab [RC] ayaa loo doortay khaliifkii labaad ee muslimiinta. Hogaamintiisii waxay ahayd mid ku dhisan cadaalad iyo hormar waxaana lagu xasuustaa inuu aas aasay nidaam dowladnimo oo si wayn loogu daydo. Cumar waxa uu bilaabay nidaam lagu balaadhinayo laguna hagaajinayo maamulka gobalada, nidaamka maxkamadaha iyo cadaalada guud. Mudadii uu xilka hayay xukuumada islaamka waxay aad ugu fiday dhulal badan, magaalooyinka ciraaq, shaam iyo yeman waxay hoos yimaadeen maamulkii muslimiinta, waxaana si nabada loogu fidiyay diinta islaamka dhulalkaas. Cumar waxa uu dhisay nidaamyo la xiriira MAAMULKA MAALIYADA, CIIDAMADAY iyo kuwa kale oo farabadan.
GEERIDII CUMAR[RC]:
Sanadkii 644 tii milaadiga cumar binu_khadhaab [RC] waxaa dhawacay niinkii lagu magac aabi jiray: ABUU LU'LU AL MAJUUSI xili uu salaada subax ku tukanayay masjidkii xabiibkeena muxamad NNKH dhaawacaas oo sababay inuu dhinto cumar maalmo kadib, ka hor intii uusan geeriyoon cumar waxa uu magac aabay gudi ka kooban lix qof oo kamida saxaabada nabigeena scw si ay udoortaan khaliifka asaga badali doono. Geeridii cumar waxay ahayd dhacdo murugo badan oo soo wajahday umada muslimiinta ah. Balse dhaxalkii uu ka tagay cumar binu_khadhaab ayaa baaqi kusii ahaandoona jiilal badan. Cumar binu_khadhaab [RC] waxa uu katagay taariikh qoto dheer oo mudan ku dayasho mudan oo tusaala fiican u ah hogaamiyanimada iyo difaaca xaqa.
GABAGABO:
Cumar binu_khadhaab waxa uu ahaa hogaamiye aysan taariikhda islaamka marnaba ilaabaynin waxyaabihii uu ku Caan baxay ee diinta islaamka dhaxdeeda sida : cadaalada, hogaaminta wanaagsan iyo caawinta dadka masaakiinta ah waxa ay ahaayeen waxyaabaha saamaynta le ee uu nooga tagay cumar binu_khadhaab sidookle waxa uu ahaa cumar tiir kamida tiirarkii ugu waawaynaa ee diinta islaamka waana tusaalaha nool ee ay haystaan umada muslimiinta maanta.
Halkaan ka aqriso maqaalo kale oo xiiso leh 👇👇 :
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته