WAX KA OGOOW HAB NOLOLEEDKII XABIIBKEENA MUXAMAD NNKH

Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad  nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee 

Nabi muxamad NNKH 
Siirada xapiipkeena muxamad:

Hordhac:

Siirada nabi muxamad NNKH waa mid kamid ah taariikhaha ugu qiimaha badan islaaamka, waana nolasha hagaysa bini'aadamka, wuxuuna ahaa qofkii ugu danbeeyay rusulada alle, oo fariintiisa waxyiga lagu soo gaarsiiyay si uu hanuunka ugu fido dunida oo dhan. Nolashiisu waxay ahayd mid ku dhisan Dulqaad,Cadaalad iyo hogaamin suuban, asagoo lakulmay caqabada badan waligiisna aan xaqa sheegostiisa dayn. Maqaalkaan waxaan kusoo bandhigi doonaa Nolashiisii laga bilaabo dhalasho ilaa geeridiisii iyo sida uu usoo gaarsiiyay fariinta islaamka dunida oo dhan.

Dhalashadiisii iyo bilowgii nolashiisa xabiibkeena scw:

Nabiga SCW waxa uu ku dhashay magaalada maka sanadkii 570 kii milaadiga, waa sanadkii loo yaqaanay " SANADKII MAROODIGA" sababtoo ah waxay ahayd sanadkii uu abraha isku dayay inuu burburiyo kacbada asagoo wato ciidan maroodiyo ah. Aabihiis Cabdullahi binu cabdul mudhalib waxa uu geeriyooday asagoo aan dhalan nabiga ka hor. Halka hooyadiis Aamina bintu wahab ay geeriyootay markuu jiray 6 sano jir. Kadib geerida hooyadiis waxaa daryeelay [ kafaala qaaday] awoowgiis  Cabdul mudhalib oo asga laftiisu ahaa qof sharaf leh oo ku lahaa magac quraysh dhaxdeeda.  Nolasha nabiga ee bilowga waxa ay ahayd mid qotadheer oo tilmaamaysa shakhsiyadiisa mustaqbalka. Waxaa lagu tilmaami jiray wiil aad urun sheeg badan, cadaalad badan, islamarkaasna dadkiisu jecelyihiin. Dabeecadihiisa wanaagsan ayaa marhoraba soo if baxay,.waxaana loo bixiyay [[ Al-amiin] Midka lagu kalsoonyahay . Asagoo ku suntanaa aaminaada iyo run sheegista. Dadkuna waxay ahaayeen kuwa ula yimaado dhibaatooyinka si uu ula xaliyo nabiga SCW. 

 Dhalinyaranimadiisii iyo guurkiisii khadiija:

Nabiga SCW waxa uu ku dhex noolaa bulshada dhaxdeeda ah ee Maka, wuxuuna ka shaqayn jiray ganacsiga asagoo adeegsan jiray hufnaantiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan bulshada. Waxa uuna si gaara uga soo dhex muuqday ganacsiga khadiija bintu khowlad oo ahayd ganacsato Caan ah oo si wayn utixgalisay nolasha iyo hufnaanta nabiga SCW. Waxa uuna ka mid aha mid kamida dadka ushaqeeya khadiija taas oo ugu danbayn ka dalabtay guur nabiga SCW.  Nabiga SCW waxa uu guursaday khadiija asagoo jiro 25 sano halka ay khadiija rc jirtay 40 sano . Guurkoodu waxa uu ahaa mid leh barako, kalkacal iyo iskaashi. Khadiija waxa ay u ahayd garab iyo taageero joogta ah ayadoo ahayd qofkii ugu horeeyay ee qitlrtay diinta islaamka markuu waxyiga soo gaadhay nabiga scw.

Bilowgii waxyiga iyo Nabinimada:

Markuu uu jiray 40 sano waxa uu bilaabay nabiga inuu ku cibaadaysto God ku yaalo buurta jabal anuur  ee magaalada maka. Maalin kamida asagoo ku cibaadaysanayo ayuu waxyigii soo gaadhay. Malakul_ jibriil ( CS)  ayaa uyimid oo ku amray inuu akhriyo aayado kamida qura'anka, ayadoo halkaas uga bilaabatay fariintii alle iyo soo dagitaankii qura'anka kariimka.  Waxyigaan ugu horeeyay ayaa nabiga SCW ku noqday mid cabsi iyo argagac leh lkn xaaskiisa KHADIIJA ayaa markiiba is garab istaagtay una sheegtay in fariinta uu soo qaatay tahay Mid xaq ah, waxa ayna siiwaday is garab istaagiisa ilaa intii uu ka faafinayay fariinta diinta islaamka. Nabiga SCW waxa uu bilaabay in uu ugu yeero dadka ugu dhaw, uguna kalsoonida badan, ugu horayna waxa uu ugu yeeray qaraabadiisa iyo asxaabtiisa ugu dhaw. Dadkii ugu horeeyay ee qaata diinta islaamka waxay ahaayeen
Khadiija bintu khowlad, Abuubakar sidiiq iyo Cali ibnu_abiidhaalib  iyo kuwa kale oo dhawr ah.
Sikastaba ha ahaatee dadka reer maka ee quraysh ah ayaa si wayn uga hor yimid fariintiisa. Waxayna bilaabeen inay waxyeeleeyaan dadka muslimiinta ah. Dhibaatooyinkaan waxay ahaayeen kuwo aad udaran  waxayna muslimiinta la kulmeen faquuq, garaacis iyo cunaqabateen  iyo kuwa kle.


Hijradii nabiga SCW:

Markii cadaadiska quraysh uu noqday midaan loo adkaysan karin nabiga SCW iyo Muslimiinta waxay ka haajireen magaalada maka oo ay uguureen magaalada yathrib oo mardanbe loo boxiyay madiina. Hijradaasi waxay ahayd mid taariikhi ah oo saldhig unoqotay fiditaanka diinta islaamka. Madiina waxa ay noqotay meel dadka muslimiinta ah si xor ah ugu noolaadaan,Kuna dhistaan dowlada islaamiya oo ku dhisan cadaalad iyo midnimo dhamaanteed.

Dagaaladii iyo furashadii maka:

Muslimiinta iyo quraysh ayaa dhowr jeer ku loolamay dagaalo waawayn oo ay ugu caansanyihiin dagaalada Badar, Uxud iyo khandaq inkastoo muslimiinta maraka qaar khasaaro kasoo gaadhay balse hadana waxay ku adkaysteen difaaca diintooda iyo udoodida xaqa. Guushii ugu waynayd ee muslimiinta waxay ahayd markii nabiga SCW uu furtay magaalada maka al_mukaramah sanadkii 630 kii milaadiga . Nabiga SCW waxuu magaalada galay asagoo wax dhiiga aan daadinin, wuxuuna cafiyay dadkii kasoo horjeeday. Furashadii maka waxay calaamad u ahayd in islaamku noqday mid xoogan oo sii fidaya,
Waxayna muslimiinta ku abuurtay kalsooni iyo midayn. Dad badan oo quraysh ka mid ah ayaa diinta islaamka soo galay, ayagoo qiraya in nabi muxamad NNKH fariinta uu wado ay tahay Mid dhab ah allana raali kayahay.

Geeridii xabiibkeena scw iyo dhaxalkii uu ugatagay umada:

Nabi muxamad NNKH waxa uu geeriyooday sanadkii 632 milaadiga, asgaoo 63 sano jir ah. Waxaana lagu aasay magaalada madiina gaar ahaan masjidkiisa barakaysan, halkaasoo uu Wali ku yaalo qabrigiisa Wali oo ay muslimiinta caalamkoo dhan booqdaan ilaa imikaan. Dhaxalkiisii ugu waynaa waxa uu ahaa qura'anka kariimka iyo Sunadiisa oo hagaya umada muslimiinta ilaa maalinta qiyaamaha.

Gabagabo:

Siirada xapiipkeena muxamad SCw waa mid aan marnaba laga daalayn in la xuso laguna cibro qaato
Waana iftiin joogta ah oo tilmaamayso nolal leh Naxariis, Dulqaad, Samir, Runsheegid, Amaano iyo waliba hogaamin suuban. Fariintiisa iyo dadaalkiisa ku aadanaa faafinta diinta islaamka waa mid ku hanuunisa muslimiinta iyo dhamaan bini'aadamka dariiqa saxda ah ee loo waxyooday. Dhaxalkiisii ugu waynaa ee uu nooga tagay waa qura'anka kariimka iyo Sunadiisa Waana hagayaasha umada muslimiinta maanta oo labadooda ayay dhaqan galiyaan ka faaruqidiisii dunida ilaa maanta aynu joogno. Akhrinta iyo fahamka Siirada xapiipkeena muxamad SCw waa mid lagu gaadho guul aduunyo iyo mid aakhiraba.


وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته 
اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على ابراهيم وعلى ال ابراهيم انك حميد مجيد وباركت على محمد وعلى آل محمد كما باركت على ابراهيم وعلى ال ابراهيم انك حميد مجيد. 

Inta 👇kasii kasii aqriso maqaalada kale ee soo qoray:






















Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

1 Comments

Previous Post Next Post