Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee
Saxaabiga Abuubakar sidiiq |
Waxaynu maanta ka hadli doonaa tariikhda saxaabiga wayn ee abuubakar_ sidiiq wax badan ka ogoow hab nololeedkii saxaabiga waana xubinteena taariikhda saxaabada rasuulka nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee ku soodhawaada maqaalkeena.
Abuubakar_sadiiq hogaamiyihii daacada ahaa iyo saaxiibkii ugu dhawaa nabi muxamad صلي الله عليه وسلم:
Abuubakar sidiiq waa mid kamida asxaabtii ugu dhawayd nabiga nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee iyo hogaamiyihii ugu horeeyay ee muslimiinta geeridii rasuulka (NNKH) . Saxaabiga magaciisa dhabta ah waa CABDULLAHI IBNU ABII QUXAAF, waxaana loo yaqaanaa ( AS_SIDIIQ) oo micnaheedu yahay" mid ka runta ku sugan " sabaabtoo ah waxa uu sidagdag ah urumeeyay nabi muxamad NNKH markii uu lakulmay waxyigii ugu horeeyay. Sidookle saxaabigaan waxa uu kamid yahay afarta saxaabi ee loo yaqaan " QULAFAA'U RAASHIDIIN" oo kala ah : Abuubakar sidiiq, Cumar binu_khadhaab, Cushman ibnu_cafaan iyo Cali ibnu_abiidhaalib alle haka raali noqdee dhamaantood.
Nolashii hore ee abuubakar sadiiq iyo qaadashadiisii islaamka:
Saxaabiga Abuubakar sidiiq (RC) oo magaciisa dhabta ah yahay Cabdullahi ibnu abii quxaafa, waxa uu ku dhashay magaalada makah al_mukaramah sanadkii 573 milaadiga. Abuubakar waxa uu kasoo jeeday qoys sharaf leh oo kamid ah qabiilka quraysh. Saxaabiga Abuubakar sidiiq waxa uu ahaa mid dhaqankiisu wanaagsan yahay sidookle waxa uu ahaa ganacsado daacad ah oo sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada dhaxdeeda. Markii uu nabiga NNKH uu bilaabay faafinta diinta islaamka, abuubakar waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee xaga raga kamida ee sidagdag ah uqaata diinta islaamka. Taasoo aan layaab la ahayn markii loo eego saaxiibtinimada qotada dheer ee kala dhaxaysay nabi muxamad NNKH. Abuubakar waxa uu si buuxda utaageeray nabiga NNKH, asagoo muujinayo rumayntiisa iyo taageeridiisa aan ka gabashada lahayn. Abuubakar waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee rumeeya nabiga NNKH markii uu lakulmay waxyi layaab leh waxa uuna helay naanaysta " As_Sidiiq " taas oo micnaheedu yaha midka runta ku taagan.
Doorkii uu ku lahaa badbaadinta umada muslimiinta ah
Abuubakar waxa uu ahaa tiir adag oo kamida tiirarkii soo maray umada muslimiinta ah. Waxa uu ahaa mid uhura maalkiisa iyo naftiisa waxaana lagu xasuusan doonaa naxariistii uu umuujin jiran kuwa baahan iyo kuwa dulman. Maalgashigiisii uu ku xoraynayay adoomaha muslimiinta ah, oo ay ka mid ahaa [ BILAAL BINU RAWAAXA] taasna waxa ay ahayd mid muujinaysa naxariistiisa iyo sida uu ugu heelanyahay umada muslimiinta ah. Intaas waxaa dheer abuubakar waxa uu lahaa geesinimo aan marnaba la xaqiri Karin markii muslimiinta ay wajahayaan dhibaatooyin iyo cadaadis kaga yimaado dhanka reer qureesheed. Abuubakar waxa uu ahaa saaxiibka iyo taageeraha ugu dhaw nabiga NNKH asagoo marwalba diyaar u ahaa inuu difaaco nabiga iyo diinta islaamka.
Hijriyadiisii iyo waqtigii qaaliga haa ee God kii " qaaru_thowr ":
Markii uu xadowga sii xoogaystay nabiga NNKH iyo abuubakar waxa ay qaateen go'aan muhiim ah oo ahaa inay hijroodaan oo uhayaamaan/aadaan magaalada madiina. Hijradaan waxay ahayd dhacdo lama ilaawaan ah oo taariikhda islaamka kaalin wayn ka qaadtay. Intii lagu guda jiray safarkaan nabiga SCW iyo abuubakar waxa ay galeen godkii qaaru_thowr markii nabiga SCW iyo abuubakar ay ka carareen cadowgii qureesh ee doonayay inay dilaan nabiga NNKH waxa ay aadeen godkaan ayagoo kadhuumanayo raadraaca cadowgaas. Waxayna ku nagaadeen godkaas mudo sedex maalmood ah halkaas oo alle ku badbaadiyay ayagoo ka amaan helay cadowgii daba socday.
Intii ay ku jireen godkaan waxaa jiray mucjisooyin waawayn oo dhacay waxaana kamida: inay caaro ka samaysatay guri afka hore ee godka iyo inay shimbiro halkaas ku dhasheen, taasoo muujinayso inay wax dad ah meesaa ku dhuuman karin.
Khilaafadiisii iyo hogaamintii muslimiinta:
Kadib geeridii xabiibkeena muxamad NNKH waxaa muslimiinta waxaa muslimiinta sii hogaaminayay saxaabigaan wayn ee abuubakar sadiiq taasoo laga dheehan karay hadaladii nabiga markii uu noolaa in qofka xiga hogaaminta umada mulimiinta uu yahay abuubakar. Abuubakar intuu hayaay qilaafada waxa uu qaaday talaabooyin adadag oo uu kumideeyay umada muslimiinta ah, asagoo ka hortagay in la wiiqo midnimada iyo awooda umada muslimiinta waxa uu diray ciidamo uu hogaaminayo Khaalid binu waliid si ay ula dagaalamaan kooxihii diiday bixinta sakada. Saxaabiga Abuubakar sidiiq waxa uu khilaafada haayay mudo laba sano ah ilaa geeridiisii.
Geeridii abuubakar iyo saamayntii muslimiinta:
Abuubakar sidiiq (Rc) waxa uu geeriyooday sanadkii 634 milaadiga kadib markii uu hogaamiyay umada muslimiinta waqti garbanzo laakin dahabi ah. Geeridiisii kadib muslimiinta waxay sii wadeen cadaaladiisii iyo dariiqadii uu ujeexay. Taariikda saxaabigaan waxa ay natusaysaa cadaalada, daacadnimada iyo u adeegida
Bulshada waxaana noogu sugan kudayasho.