TAARIIKHDA HOOYADEEN KHADIIJA BINTU_KHUWAYLAD

Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Khadiija bintu khowlad 

 Hordhac: 

Waxaan ka hadli doonaa tariikhda wayn ee hooyadii mu'Miniinta khadiija bintu khowlad (rc). Khadiija bintu_khuwaylad waa mid ka mid ah haweenkii ugu sareeyay ee islaamka soo maray oo taariikhdeeda xinbaarsantahay qiimo iyo sharaf wayn. Waxay ahayd xaaskii koowaad ee nabigeena scw, waxayna door wayn ka qaadatay hormarinta iyo taageerida diinta islaamka. Khadiija waxay ahayd haweeneey la jecelyahay oo ku sifowday sharaf, xikmad iyo waliba adkaysi. Maqaamkaan waxaan si faahfaahsan uga faaloon doonaa Nolashii khadiija, doorkii ay ku lahayd faafinta diinta islaamka mhiimada ay ku lahayd safarka diinta islaamka iyo waxyaabo kle.

Asalka iyo nolashii hore ee khadiija bintu khowlad:

Khadiija  bintu khowlad waxa ay ku dhalatay magaalada makah, waxaana qoys ahaan lagu tiriyaa qoys sharaf iyo maamuus wayn ku leh bulshada dhaxdeeda. Aabaheed, khowlad bin asad  waxa uu kamid ahaa odayaasha qabiilka Qureysh halka hooyadeed, Faaduma bintu za'id ay ahayd haweeneey sumcad iyo sharaf ku dhax leh bulshada. Khadiija waxay heshay tarbiyad wanaagsan oo ku salaysan akhlaaqda, waxaana lagu bartay dhaqaalaha maadaama qoyskeedu ahaa midka ugu dhaqaalaha fiican magaalada makah al_mukaramah. 

Kartidii iyo ganacsigii khadiija:

Khadiija bintu khowlad waxay Caan ku ahayd karti iyo guula badan taas oo kadhigtay inay noqoto mid kamid ah haweenka ugu guulaha badan magaalada maka. Ayadoo dhalinyaro ah ayay ku guulaysatay inay la wareegto gnacsiga aabaheed kadib geeridiisii, waxayna awood uyeelatay inay sii wado kobcinta dhaqaalaha qoyskeeda. Khadiija waxay Caan ka noqotay suuqyda ganacsiga ee Maka, waxaana si wayn loogu ixtiraami jiray ganacsiga iyo maamulkiyo dhaqaalaha.  Sidookle khadiija waxay lahayd kolanyo ganacsi oo usafri jiray meelo badan sida: SHAAM,SIIRIYA IYO YEMAN, ayagoo iibin jiray dharka, cuntada iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Waxay adeegsan jirtay rag ganacsato ah oo safarka utagi jiray ayadoo si wanaagsan umaarayn jirtay dhaqaalaha iyo badeecadaha. Khadiija waxay ahayd mid ucadaalad samayso shaqaalaheeda una muujiso daacadnimo taasoo keentay inay kalsooni badan ku qabaan.

Kalsoonidii kadiija ay ku qabtay nabiga NNKH :

Waxaa la sheegaa in khadiija aad ugu wacnayd inay kala garato shaqsiyaadka wanaagsan iyo kuwa kale. Markii uu nabiga ahaa mid dhalinyaro ah waxay uargtay mid daacad ah, aamin ah oo lagu kalsoonaan karo, taasna waxay keentay inay udhiibato safar ganacsi oo ku wajahan dhankaas iyo shaam asagoo nabigeena scw wakiil uga ah ganacsigeeda. Safarkaan wuxuu kusoo dhamaaday guul wayn nabigana wuxuu lasoo laabtay faa'iido wanaagsan.  Markii uu nabiga NNKH soo bandhigay xirfadiisa ku aadan xaga ganacsiga, daacadnimada iyo aaminaada ku dhisan khadiija waxay sii kordhisay kalsoonideeda. Waxayna argtay dabeecadiisa wanaagsan, hufnaantiisa taas oo keentay inay ugu danbayn khadiija nabiga SCW usoo bandhigato guur si uu uga aqbalo.

Soo galitaankii khadiija ee diinta islaamka:

Khadiija waxa ay ahayd qofkii ugu horeeyay ee qaatay diinta islaamka markii laga yimaado nabiga SCW.  Waxa ay taageeero umuujisay nabiga markii uu kusoo dagay warkii ugu horeeyay ee ka yimaado jibriil cs, waxa ayna si dhaba u aaminsanayd warka uu nabiga layimid. Markii uu dib ugu noqday gurigeeda asagoo cabsi ka qaba warka cusub ee soo dagay, khadiija ayaa ahayd qofkii ugu horeeyay ee dajiyay. Waxay tidhi " alle kuma dayaci doono " ayadoo tilmaantay sifooyinka wanaagsan ee nabigeena muxamad SCw. Taageerida khadiija ee diinta islaamka waa mid aan lasoo koobi karin, waxay siisay hantideeda oo dhan si loogu faafiyo diinta islaamka, waxayna uadkaysatay cadaadiska iyo dhibaatooyinka kaga yimaado reer Qureysh.  Sidookle khadiija waa ay farxad galinjirtay nabigeena muxamad SCw si uu uguto dacwada diinta islaamka. 

Nolasha qoyskii khadiija iyo nabiga NNKH:

Khadiija iyo nabiga waxay ahaayeen laba lamaane oo nolasha ku midoobay farxad iyo waliba naxariis kalkacal usaaxiib ah. Waxayna isu dhaleen ilaa iyo lix caruura oo kala ah: CABDULLAHI, QAASIM,ZAYNAB, RUQAYAH, UMUL_KALTUUM IYO FAADIMAH waana caruurta ay udhashay nabiga khadiija lkn waxaa jira wiil kale oo uu dhalay nabigeena magaciisuna waa IBRAAHIM. Sidookle khadiija ma ahayn mid ku mashquusha had iyo jeer ganacsi iyo dhaqaale balse waxay ahayd mid juhdi ku bixiso soo saarida awlaad aqlaaq wanaagsan ku caanbaxay iyo waliba cadaalad.

Dhibaatooyinkii iyo adkaysigii khadiija RC:

Intii lagu guda jiray sanadihii hore ee diinta islaamka, khadiija waxa ay wajahday cadaadis aad udaran oo kaga yimid reer quraysh. Sikastaba ha ahaatee khadiija maysan joojin taageerida nabiga SCW waxay la wadaagtay cunto la'aan iyo duruuf walba oo soo martay bilowgii islaamka. Inkastoo ay jireen dhibaatooyin badan oo ay usoo dhabar adaygtay khadiija hadana waxay ahayd tiir wayn ee garabka nabiga SCW marwalbaa taagan. Tanina waxay natusaysaa samirkii waynaa ee khadiija. 

Geeridii khadiija iyo saamayntii ay ku yeelatay nabiga NNKH:

Khadiija bintu khowlad waxay geeriyootay sanadkii  la oradhan jiray "SANADKII MARUgada" oo ahaa  sanadkii nabiga SCW ay soo martay laba geeri oo xanuunbada oo ay ka geeriyoodeen xaaskiisa KHADIIJA IYO adeerkiis ABUUDHAALIB. Geerida khadiija waxa ay ahayd mid saamayn ku leh nabiga SCW maadaama ay ahayd taageerahiisa ugu waynaa. Wuxuuna nabiga SCW xusijiray wanaageeda, naxariisteeda iyo taageerideedii ay siisay intay isla noolaayeen. 

Fadligii ay lahayd khadiija RC:

Fadliga kadiija bintu khowlad hooyadii mu'Miniinta ma aha mid meeshaan lagu soo koobi karo balse qaar kamida hadaan soo qaadano waxaa kamid ah: Balanqaadkii janada raxmaanka:     waxaa jiro xadiisyo badan oo tilmaamaya in khadiija loo balan qaaday jano waxaa kamida: xadiiskaan ay soo warisay[  CAA'ISHA (rc) oo ay sheegayso in jibriil CS uu usheegay nabiga inuu kadiija ku salaamo, uguna bishaareeyo guri janada gudaheeda ah], Nabigana waxa uu sheegay in gurigaas in gurigaasi yahay mid ka samaysan luul oo aan dhibaato iyo daal midna lahayn.

Gabagabo:

Kadiija bintu khowlad waxay ay ku xusuusan doontaa diinta islaamka mid kamida haweenkii ugu qiimaha badnaa ee taageerida iyo dhiirigalinta siin jiray nabiga SCW. Waxay ahayd qof leh xirfad ganacsi oo aad u wanaagsan karti iyo naxariis, waxayna ahayd haweeneey ku sifowday sifooyinka iyo aqlaaqda ugu sarayso islaamka. Khadiija waxay ahayd qofaan marnaba la hilmaami karin oo diinta islaamka naf iyo maalba uhurtay, waxayna si aan kala har lahayn ugarab taagnayd nabiga SCW.  Hadii uu jiro qof leh taageero,firfircooni dulqaad iyo xikmad waa mid si wayn loogu xasuusan doono khadiija bintu khowlad hooyadii mu'Miniinta iyo xaaskii xabiibkeena muxamed scw allow naga yeel kuwa sideeda ookale diinta ufaafiya una garab istaaga. وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته  

Halkaan ka aqroso maqaalo xiiso leh 👇👇

https://www.jidkaguusha.site/2024/08/maxaad-ka-ogtahay-fadliga-saliga.html

https://www.jidkaguusha.site/2024/09/waakuma-saxaabiga-jaliilka-ah-ee.html

https://www.jidkaguusha.site/2024/09/quraanka-mala-nooshahay.html

https://www.jidkaguusha.site/2024/09/suaalo-iyo-jawaabo-diini-ah.html



Jidka guusha

This samawade blog an we are ready to satisfy you all about technology and AI with latest information and trends

Post a Comment

Previous Post Next Post