Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee
Su'aalo diini ah |
1. Sheeg sanadkii uudhacay duulankii daati_Riqaac?
Jwb: waxa uu dhacay sanadkii 4aad ee hijriyada islaamka.
2. Sheeg imaamkii koowaad ee qora kitaab kusaabsan axkaamta qura'anka?
Jwb: waxuu ahaa imaam shaafici.
3. Sheeh saxaabigii hayay calankii ansaar dagaalkii badar?
Jwb: waxa uu ahaa Sacad binu macaad.
4. Sheeg saxaabigii qabta xilka dowladii islaamka geeridii nabiga NNKH ka dib?
Jwb: waa abuubakar sadiiq RC.
5. Sheeg dagaalkii koowaad ay nabiga iyo asxaabtiisa galeen?
Jwb: waxa uu ahaa dagaalkii badar.
6. Sheeg waa imisa khulafaa'u_Raashidiin? Maxayna kalayihiin?
Jwb: khulafaa'u_Raashidiin waa afar. Waxayna kala yihiin : ABUUBAKAR SIDIIQ, CUMAR BINU_KHADHAAB, CUSHMAN IBNU_CAFAAN IYO CALI IBNU_ABIIDHAALIB. Alle haka raali noqdee.
6. Sheeg tobanka saxaabi ee janada loogu bishaareeyay?
Jwb: Tobanka saxaabi ee janada loogu bishaareeyay waxay kala yihiin : ABUUBAKAR SIDIIQ, CUMAR BINU_KHADHAAB, CUSHMAN IBNU_CAFAAN, CALI BINU_KHADHAAB, DHALXA BINU_CUBAYDILLAH, SACAD BINU ABII WAQAAS, ZUBAYR BINU CAWAAM, CABDIRIXMAAN BINU COWF, ABUU CUBAYDATA BINU JARAAX IYO SACIID BINU ZAYD. Alle haka raali noqdo dhamaantod.
7. Sheeg magaca saxda ah ee saxaabiga Abuubakar As_Sidiiq?
Jwb: Magaca saxda ah ee saxaabigaan waa: Cabdullahi ibnu abii quxaafah.
8. Sheeg waa kuma saxaabiga loo aqoon jiray faaruuq?
Jwb: waxa uu ahaa CUMAR BINU_KHADHAAB ( RC).
9. Sheeg qofkii ugu horeeyay ee soo islaama xaga raga?
Jwb: waxa uu ahaa saxaabiga ABUUBAKAR AS_SIDIIQ.
10. Sheeg qofkii ugu horeeyay ee soo islaama xaga caruurta?
Jwb: saxaabigaa waa CALI IBNU_ABIIDHAALIB.
11. Goormee ayuu dhashay nabigeena muxamad NNKH? Xageesa lagu dhalay?
Jwb: waxuu dhashay maalin isniin ah 12da bisha mowlid/Rabiicul_awal sanadkii maroodiga. Waxaa lagu dhalay magaalada makah al_mukaramah.
12. Sheeg magaca nabigeena muxamad SCw aabihiis ? Goormuusa geeriyooday?
Jwb: magaca aabaha nabigeena muxamad SCw waa : CABDULLAHI BINU_CABDIMUDHALIB. WAXA UU GEERIYOODAY nabiga oo kujuro uurka hooyadii.
13. Sheeg magaca hooyada nabigeena muxamad SCw? Xageebaysa ku geeriyootay?
Jwb: Magaca hooyada nabigeena muxamad SCw waa: AAMINA BINTU_WAHAB. Waxa ay ku geeriyootay Abwaa.
14. Sheeg qaar kamida magacyadii nabigeena muxamad SCw ? Kuwuusa ku caanbaxay?
Jwb: Magacyadii nabigeena muxamad SCw waa: MUXAMAD, AXMED, MAAXII, XAASHIR IYO CAACIB. kuwii uu ku caanbaxay waa: MUXAMAD IYO AXMED.
15. Imisa jeer ayaa qura'anka lagu sheegay magaca muxamad?
Jwb: Waxaa lagu sheegay afar jeer/ goor.
16. Yaa nuujiyay nabigeena muxamad SCw?
Jwb: Waxaa nuujisay Tuwaybatul_aslamiyah kadib xaliimatu_sacdiyah.
17. Yaa kafaala qaaday nabigeena muxamad SCw geeridii hooyadii kadib?
Jwb: Waxaa kafaala qaaday: Awowgiis CABDUL_MUDHALIB.
18. Sheeg haweenaydii ugu horeeyay ee uu guursaday nabigeena muxamad SCw?
Jwb: Waxay ahayd : KHADIIJA BINTU_KHUWAYLAD.
19. Imisa sano ayuu jiray nabigeena muxamad SCw markii uu guursanayay khadiija?
Jwb: Waxa uu jiray 25 sano.
20. Waa imisa ilmaha nabigeena muxamad SCw meeqayna kalayihiin?
Jwb: Waa todobo ilmood . Waxayna kalayihiin: QAASIM, CABDULLAHI, IBRAAHIM, ZAYNAB, RUQAYAH, UMUL_KALTUUM IYO FAADIMAH.
21. Sheeg suurada ugu gaaban qura'anka kariimka?
Jwb: Suurada ugu gaaban qura'anka kariimka waa: KOWTHAR.
22. Maxaa laga abuuray malaa'igta?
Jwb: Malaa'igta waxaa laga abuuray : NUUR.
23. Sheeg saxaabigii ugu geerida danbeeyay saxaabada rasuulka SCW?
Jwb: Waxa uu ahaa saxaabigaa: ANAS BINU MAALIK.
24. Imisa ayay ahaayeen dumarkii uu nabiga ka geeriyooday?
Jwb: Waxay ahaayeen: SAGAAL (9) dumar ah.
25. Imisa nabi ayaa qura'anka lagu sheegay?
Jwb: Waxaa lagu sheegay: SHAN IYO LABAATAN ( 25) NABI.
26. Waakuwee labada nabi ee xaasaskooda ay beeniyeen?
Jwb: Labadaasi nabi waa: NABI NUUX IYO NABI LUUDH CS.
27. Imisa sano ayuu qura'anka soo dagayay?
Jwb: Waxa uu soo dagayay: SEDEX IYO LABAATAN (23) SANO.
28. Sheeg gabadha kaliya ee nabigeena uu guursaday ayadoo gabadh ah?
Jwb: Waxa ay eheed: CAA'ISHA BINTU_ABIIBAKAR CS.
29. Waa Imisa janooyinka alle swt?
Jwb: Janooyinka waa : SIDEED (8).
30. Waatee suurada qura'anka sedex meelood meel udhiganta?
Jwb: Waa : SUURAT IKHLAAS.
31. Sheeg saxaabiga kaliya ee magaciisa qura'anka lagu sheegay?
Jwb: Saxaabigaasi waa: ZAYD.
32. Sheeg nabigii ugu cimriga dheeraa nabiyada qura'anka lagu sheegay?
Jwb: Nabigaas waa: NABI NUUX CS.
33. Sheeg kitaabkii la siiyay nabi muuse cs?
Jwb: Kitaabkaas waa: TOWREED.
34. Sheeg kitaabkii la siiyay nabi ciise cs?
Jwb: Kitaabkaas waa : INJIIL.
35. Sheeg Malaga haya furaha janada magiciisa?
Jwb: Malagaasi waa : RIDWAAN.
36. Sheeg Malaga haya furaha naarta magaciisa?
Jwb: Malagaasi waa: MAALIK.
37. Xagee laga keenay xajrul_Aswad?
Jwb: Waxaa laga keenay: JANADA.
38. Waxaad sheegtaa umada lagu halaagay dabayl?
Jwb: Umadaasi waa reer CAAD.
39. Sheeg haweenayda magaceeda qura'anka lagu sheegay?
Jwb: Haweenaydaasi waa MARYAMA.
40. Sheeg maxaa lagu halaagay fircoon?
Jwb: Waxaa lagu halaagay fircoon BIYO.
41. Sheeg xageebuu ku yaalaa baytul_Macmuur?
Jwb: Waxa uu ku yaalaa SAMADA.
42. Sheeg boqor caadil ah oo nabi muxamad NNKH rumeeyay?
Jwb: Boqorkaasi waa NAJAASHI.
43. Waa kuwee ahlul_kitaab?
Jwb: Ahlul_kitaab waa YAHUUD IYO NASAARO.
44. Sheeg magaca munaafiqii ku been abuurtay hooyadeen caa'isha RC?
Jwb: Munaafiqaas waa CABDULLAHI BINU SALOOL.
45. Sheeg nabigii laga soo saaray wadan ku yaalo afrika ?
Jwb: Nabigaasi waa NABI MUUSE CS.
46. Waa kuma saxaabigii keenay fikradii ahayd in god la qodo dagaalkii axzaab ?
Jwb: Waxa uu ahaa SALMAAN AL_FAARISI.
47. Sheeg nabigii xanuunka usabray ?
Jwb: Nabigaasi waa NABI AYUUB CS.
48. Sheeg saxaabigii koowaad ee gudba ree ruum ?
Jwb: Waxa uu ahaa MUCAAWIYA.
49. Sheeg qoomkii loo diray nabi saalax cs ?
Jwb: Waxaa loo diray qoomu THAMUUD.
50. Sheeg saxaabigii koowaad ee nabiga SCW ku salaama salaanta islaamka?
Jwb: Waxa uu ahaa saxaabigaa ABUU DARIL_QAFAARI.
51. Waa imisa cidada haweenayda laga dhinto ?
Jwb: Waa AFAR (4) BILOOD IYO TOBAN (10) HABEEN.
52. Yaadilay sumaya bintu_khiyaadh ?
Jwb: Waxaa dilay ABUU_JAHAL.
53. Waa kuma saxaabigii loo aqoon jiray amiinul_umah?
Jwb: Saxaabigaa ABUU CUBAYDAH CAAMIR BINU JARAAX.
54. Yaa aas aasay dowladii umuwiyiinta ?
Jwb: Waxaa aas aasay. MUCAAWIYA BINU ABII SUFYAAN.
55. Waa imisa nisaabka adhiga looga bixiyo zakada?
Jwb: Waa AFARTAN (40) ADHI AH.
56. Imisa darajo ayay janada ka koobantahay?
Jwb; Waxa ay ka koobantahy BOQOL (100) DARAJO.
57. Waa kuma ninka ay ka sheekaysay suurad Masad ?
Jwb: Ninkaasi waa ABII LAHAB.
58. Imisa jeer ayaa qura'anka lagu sheegay magaca nabi muuse cs?
Jwb: Waxaa lagu sheegay 136 JEER.
59. Yaa qoray kitaabka al_bidaaya wa_nihaaya ?
Jwb: Waxaa qoray IBNU KATHIIR.
60. Sheeg meeshii ay ku istaagtay doontii nabi nuux Cs?
Jwb: Waxay ku istaagtay AL_JUUDIYI.
وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله
Haklan ha akhriso maqaallo kale
👇