Bismillah Ku sali xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee
|
NABI MUXAMAD SCW
FADLIGA SALIGA XABIIBKEENA MUXAMAD SCw: Saliga nabigeena muxamed scw waa camal kamida cibaadooyinka ugu waawayn islaamka taasoo leh fadli badan xag diineed iyo xag nolaleedba labadaba. Waa camal lagu xuso rasuulka suuban scw taasoo keenayso barako,dhowrsanaan iwm . Qofka muslimka ah ee si joogta ah usameeyo waxa uu helaa ajir iyo abaal Marin wayn oo katimi dhanka allah SWT. Maqaalkaan waxaan si faahfaahsan uga hadli doonaa fadliga saliga nabigeena muxamad SCw ayadoo aynu soo qaadan aayadaha qura'anka iyo axaadiista sugan ee nabigeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
1. Micnaha saliga iyo aasaaska diimeed: Saliga waa camalka ee umadaha islaamka ku muujiyaan jacaylka ay uqabaan rasuulka SCW marka erayga "sali " micnihiisu waa in alle laga baryo in uu barakeeyo una naxariisto rasuulka SCW. Qura'anka kariimka ayaa si cad u amray in ay muslimiinta ku saliyaan nabiga SCW wuuna alle ku leeyahay aayad quraana :
[ Alle iyo malaa'igtiisuba waxay kusaliyaan nabiga, kuwa xaqa rumaysanow idinkuna ku saliya nabiga ,oo ku salaama si hufan]"( suurta axzaab aayada 33:56). Aayadaan waxay muujinaysaa in saliga nabiga yahay Amar eebe Swt, sidookalana ay tahay hab cibaado oo laga doonayo umadaha muslimiinta inay joogteeyaan marwalba. Marka ay muslimiinta ku saliyaan nabiga SCW waxa ay ka qayb qaadanayaan cibaadada iyo xusida rabi swt, ayaga oo barako iyo raxmada eeba doonaya inay helaan.
2. Fadliga nabiga oo ay ka hadleen axaadiista xabiibkeena muxamad:
Xadiisyo badan oo sugan ayaa ka hadlay fadliga iyo abaal marinta uu leeyahay qofka kubsaliyo nabaiga SCW waxaana ka mida kuwaan: 1. In la kordhiyo ajirka iyo maqaamka qofka uu leeyahay: Saxaabiga jaliilka ah ee ABUU HURAYRA waxa uu ka wariyay xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee inuu yiri: " Qofkii igu saliyo hal mar alle waxa uu ku saliyaa toban mar." Tani waxa ay tilmaamaysaa in saligu yahay camal Keena ajir wayn , waxaana qofkii ku saliya nabiga la siinayaa inta uu ku saliyay nabiga SCW.
2. Ka fogaanshaha naarta
Waxa uu xabiibkeena ku leeyahay xadiis kale : " Qofkii kii igu saliyo hal mar alle ayaa ku saliyo tobanjeer, danbiyadiina waa la dhaafaa, toban darajana Sara ayaa loogu qaadaa, toban jeerna waa looga fogeeyaa naarta." ( musnad Axmed, Al_ nisaa'i iyo alxakim). Xadiiskaan waxa uu muujinayaa in saligu yahay dariiqa uu qofku ku helayo darajo sare oo allah swt agtiisa ah isla markaana danbiyadiisa lagu dhaafayo loogana ilaalinayo waxyaabaha xunxun.
3. In saliga nabiga uu kamid yahay camalada udhaweeya qofka maalinta qiyaamaha:
Waxaa laga soo wariyay xabiibkeena muxamad SCw inuu yiri" [ Qofka dadka iigu dhaw maalinta qiyaamaha waa Kan iigu salinta ]. Xadiiskaan waxa uu sii xoojinayaa muhiimada ay leedahay inuu qofka muslimka ah sameeyo sali badan si uu uga mid noqdo kuwa udhaw rasuulka SCW maalinta wayn ee qiyaame.
3.faa'iidooyinka nagigeena ee nolasha aduunyo iyo mida aaqira: Saliga nabaiga SCW ma ahan oo kaliya cibaada eebe Swt, balse waxa uu leeyahay faa'iidooyin badan oo kamida nolasha aduunyo iyo mida aaqiro waxayna kala yihiin:
1.Barako iyo xasilooni : qofkii ugu saliyo rasuulkeena scw si joogta ah waxa uu dareemaa xasilooni iyo daganaasho qalbiya.saliga waa nuuc kamida ducooyinka lagu helo barako iyo naxariista alle swt. Markii uu qofka ku saliyo nabiga SCW waxaa ufurma albaabada khayrkan iyo naxariis .waxa uuna dareemaa raaxo iyo daganaasho maanka ah.
2. Ka hortaga sharta iyo dhibaatooyinka: saliga nabiga waxa uu leeyahay awood uu qofk uga dhowro sharta iyo dhibaatooyinka.marka uu qofka mislimkaa ku saliyo rasuulaka waxa uu helaa dhowritaan ka yimaada dhanka alle ah waxaana laga nabad galiyaa waxyaabaha dhibka iyo culayska ah ee aduunyo iyo aakhira.
3. Jacaylka alle iyo rasuulkiisa SCW: qofkii ku saliyo rasuulka SCW waxa uu kasbadaa jacaylka alle iyo rasuulkiisa muxamad SCw. Saligu waxa uu kamid yahay hababka ugu muhiimsan ee aan ku miujin karno jacaylka iyo ixtiraamka aan uhayno xabiibkeena muxamad SCw iyo sidookle si loo kasbado jacaylka alle iyo raaligalintiisa.
4. Magangalyada iyo maalinta qiyaamaha: saliga nabiga SCW waxa uu leeyahay muuqda maalinta qiyaame . Qofkii ku saliya nabiga SCW waxa uu ka mid noqdaa dadka udhaw nabiga SCW maalintaas,waxa uuna ka helayaa nabadgalyo iyo nabadgalyo.
4. Talooyin ku saabsan joogtaynta saliga nabiga SCW:
Waxaa jira habab badan oo qofka muslimkaa ku badin karo saliga nabiga SCW nolashiisa maalinlaha ah. Waa arin muhiim ah in saliga nabiga laga dhigo caado maalin la ah, gaarahaan meelha barakaysan iyo meelaha lagu cibaadaysto siada masaajida sidookle qofka waxa uu ku salin karaa nabiga marka uu maqlo magaciisa nabigeena scw waxa uu yiri" [ BAQIIL waxaa waaye mid agtiisa la igu xusay oo aan igubsalain] .
1.joogtaynta saliga nabiga maalinta jumcaha: Maalinta jumacaha waa maalin barakaysan oo fadli wayn leh waxaana wanaagsan in umada muslimiinta ah badiso saliga nabiga SCW.
2. In la sameeyo saliga xiliyada adkaaraha subixii iyo galabtii: adkaaraha lasameeyo subixii iyo galabtii waa ducooyin lasameeyo subax walba iyo galab walba waxaana ku jira saliga xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee joogtaynta adkaarahaan waxay keenayaan inaad xusto magaca xabiibkeena iyo joogtaynta saligiisa.
Xiliyada gaarka ah ee labadiyo saliga nabigeena: Maalinta jumcaha, salaadaha gadaashooda, markaad maqasho magaca nabiga SCW Iwm.
Gabagabada maqaalka: saliga nabigeena scw waa cibaado ka mida cibaadooyinka ugu muhiimsan waxaana laga doonayaa in qofka muslimkaa oo nolashiisa dhan uu badiyo saliga nabiga waxaan ku baraarujinaa dhamaan dadka inay noqdaan kuwa badiyo saliga nabiga si ay unoqdaan dad udhaw nabiga maalinta qiyaamaha una helaan shafeecada xabiibkeena muxamad SCw.
Hadii aad maqaalkaan aqrisatay waxaan kaa codsanayaa inaad igula saliso xabiibkeena muxamad nabadgalyiyo naxariis korkiisa ha ahaatee: اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على ابراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد مجيد وباركت على محمد وعلى آل محمد كما باركت على ابراهيم وعلى ال ابراهيم انك حميد مجيد. |